Madaxweyne Gaas oo ka qeyb galay xiritaanka shirweynihii dib u eegista Qorshayaasha Hay’addaha Dawladda Puntland 2014-2015[Masawiro]

December 28, 2014 - Written by Editor

Madaxweyne-Gaas-6Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28-12-2014 ka qeyb galay xiritaanka shirweynihii dib u eegista Qorshayaasha Hay’addaha Dawladda Puntland 2014-2015 oo soconayey muddo dhan labo maalmood.

Ka hor inta aan loo guda gelin soo bandhigida qorshaha cusub ee hay’addaha dawladda ayaa waxaa iyagu wax qabadkoodi sanadka 2014 soo bandhigay hay’addaha kala ah Hayadda shaqaalaha rayidka ah, Hay’adda AIDSKA Puntland(PAC) iyo sidookale Hay’adda Hadma.

Intaas ka dib ayaa Hay’addaha kala duwan ee Dawladda waxa ay soo bandhigeen wax qabadkooda sanadka cusub ee 2015, waxana su’aalo ku aadan wax qabadka is weydaarsaday Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee hay’adda Dawladda, si shacabka loogu cadeeyo waxa qabsoomay mudada sanadka ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qiray in inta badan wasaaraduhu ay qabteen shaqadii loo idmaday, in badana ay sababeeyen sababta ay u qaban waayen shaqada ama balan qaadyadii ay sameeyen horaanti sanadkaan 2014.

”Wasaarad walbaa waxa ay soo bandhigtay waxa ay qabatay, waxa u qorshaysnaa, waxa ka dhiman ee ay qaban waayeen iyo sababta ay u qaban waayeen in taba waa ay sheegeen dabcan saas bayna ku kala qiimaysnaanayaan ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Waxaa kale oo jira wasaarado qabtay shaqo aan u qorshaysnayn xiligi ay balan qaadka samaynayeen shaqooyin badana qabtay kuwaasina waa ku amaanan yihiin shaqada ay qabteen”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

”Anaga ujeedka aan barnaamijkaan ka leenahay waxa weeye dabcan anigu wasaaradahayga waan kala aqaana wada shaqayn joogto ah ayaanu leenahay laakin waxa ay ahayd balan qaadki aanu u samaynay dadka Puntland oo ah in la xisaabtan jiro oo ay dawladii iyo dadkii ay isu muuqdaan”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale tilmaamay in wasaaradihiisu ay ugu kala sokeeyen sida ay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan iyo shaqada ay qabtaan, waxana uu tilmaamay in qorshaha sanadka 2015 uu rajaynayo in uu ka duwanaado qorashaha sanadka 2014.

”Barnaamijkaan waan joogteynaynaa sanadka dhammaadkiisa ayaanu qabanay balse waxaan rajeynaynaa in lixdii biloodba mar la qabto si wasiir walba uu u arko waxa ka fulay balan qaadka uu sameeyey iyo weliba in uu isa sixi karo qofku”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Magacaabista Gudiga Doorashooyinka Puntland ayuu Madaxweyne Gaas sheegay in uu dhawaan magacaabi doono si ay u dardar geliyaan hirgelinta doorasho xor ah oo weliba u dhacda hab dimuqraadiyad ah.

”Sanadkii aan joognay oo dawladu cusbayd wax badan oo qorshahayga ahaa ayaa noo qabsoomay, waxaan rajeynaynaa in sanadka soo socda ee 2015 uu ka sii wanaagsanaado sanadkaan qorshayaasha aanu leenahayna si fiican noogu hirgalaan”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Waa markii ugu horaysay oo barnaamijkaani ka hirgalo Puntland iyo guud ahaanba soomaaliya iyadoona dadweynuhu si toos ah ugala socdeen qeybaha warbaahinta madaxa banaan iyo weliba Tvga Dawladda ee puntland TV, taasina waa guul u soo hoyatay shacabka iyo Dawladda Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online