Madaxweyne Gaas oo kulamo kula qaatay dalka Itoobiya madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo madax kale oo ka tirsan DFS.[Masawiro]

December 15, 2014 - Written by Editor

fargas4Adis-ababa:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii labaad ku sugan Dalka Itoobiya ayaa waxa uu kulamo kula qaatay magaalada Adis-ababa Madax weyne ku xigeenka Jubbaland Gen: Cabdulaahi Ismaaciil Fartaag iyo madax kale oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad.

Kullanka uu madaxweyne Gaas la qaatay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Gen: Fartaag ayaa waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dawladda Puntland iyo maamulka jubbaland oo aasaaskiisa ay gacan weyn ka gaysatay Puntland.

Waxay si wadajir ah u beeniyeen laba masuul warar been abuur ah oo qaar kamid ah warbaahinta isla dhex marayeen maalmihii ugu dambaysay taasi oo ahayd in mad madow uu soo dhex galay xiriirka ka dhaxeeya Dawladda Puntland iyo Maamulka Jubbaland taasi oo been abuur ah.

Kullanka ayaa intii uu socday waxaa khadka taleefoonka si toos ah uga qeyb qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe isagoona martiqaad rasmi ah magaalada kismaayo ee xarunta maamulkaasi ugu fidiyey madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waana uu ka aqbalay madaxweyne Gaas martiqaadkaas.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdala kullan qado ah oo uu la qaatay ku booriyey  in mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya dardar geliyaan howsha ay u hayaan shacabka soomaaliyeed islamarkaana muujiyaan dadaal ku aadan sidii looga guul gaari lahaa hirgelinta doorasho xor ah oo 2016-ka ka hirgasha Soomaaliya, loona baahan yahay in lagu wada shaqeeyo isu tanaasul iyo is afgarad.

no images were found

 -DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Email : Plpresidecymedia@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online