Madaxweyne Gaas oo Xafiiskiisa ku qaabilay Bahame Tom Nyunduga.[Masawiro]

December 11, 2014 - Written by Editor

IMG_2675Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe saaka ku qaabilay Mudane. Bahame Tom Nyunduga oo ah xeeldheere madaxbanaan oo katirsan kooxda xaquuqda aadanaha udooda ee Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo ka socday Hay’ada xaquuqda aadanaha ee aduunka.

Kullankii maanta ee Madaxweyne Gaas laqaatay Mr. Bahame Tom Nyunduga iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa waxaa iyaguna ka qeyb qaatay Wasiirka Cadaalada,  Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Haweenka iyo arrimaha Qoyska ee Puntland.

Mr. Bahame Tom Nyunduga ayaa dhankiisa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo uu doonayey inuu wax kaga ogaado siyaasada Dawladda Puntland ay ka leedahay arima xuquuqda aadana iyo doorka hogaamineed ee uu madaxweyne Gaas uu ulatacaalay amuurtaasi tan iyo intii uu hogaanka dalka lawareegay.

Waxyaabaha xasaasiga ah ee kullankani maanta lagu lafa guray waxaa ugu waaweynaa Cadaalada, Amniga, tacadiyada loo geysto Haweenka iyo  Caruurta iyo xoriyal qowlka saxaafada madaxa banaan iyo weliba barnaamijka dimuqraadiyada.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo qodob qodob isu dultaagay amuurahaasi ayaa sheegay in tan iyo intii uu majaraha uqabtay hogaanka Puntland uu wax badan ka qabtay tayeynta iyo toosinta haykalka dawladnimo ee Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale sheegay wax ka qabashada iyo isku shaandhaynta dhinaca Cadaalada horumar weyn laga gaaray dadka ku nool Puntland oo idilna ay haystaan cadaalad ay usiman yihiin.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Puntland haba yaraate aanay ka jirin tacadiyo ka dhan ah haweenka iyo caruurta welibana sidookale sheegay in saxaafada horta ahi ay tahay mid taabagal ah oo Puntland saxafada ka howlgashaa ay si xor ah ugutaan waajibaadkooda shaqo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dhinaca amniga isna horumar baaxad weyn leh laga gaaray, sheegayna weliba in guul weyn laga gaadhay cidhibtirka iyo la dagaalanka argagaxisada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar uu ka hadlayey Dimuqraadiyada iyo hadafka hogaankiisa waxa uu sheegay in xeerkii ku dhaqanka Gudiga doorashooyinka Puntland dhawaan Baaralamaanka Puntland ansixiyeen, islamarkaana dhawaan lagu dhawaaqi doono 9 xubnood oo noqon doona gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Puntland, loogana sii gudbi doono taabaqaadka Dimuqraadiyada iyo doorasho hal qof, hal cod oo Puntland ka dhacda 2019.

no images were found

 -DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online