Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan lee yahay ma jirto cid guuleysatay iyo cid laga guuleystay”

December 6, 2014 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay go’aankii maanta gaaray Baarlmaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa marka hore u mahad-celiyey dhammaan Xildhibaanada Baarlmaanka “Waxaan rabaa in aan u mahad celiyo dhammaan Xildhibaanada kuwa haa ku codeyey, kuwa maya ku codeyey iyo kuwa ka aamusayba, waxaan kale oo ku ammaanayaa ogolaanshaha ay ogolaadeen xeerka u degsan iyo sida ay ugu dhaqmeenba, Waxaan lee yahay ma jirto cid guuleysatay iyo cid laga guuleystay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh iyo guud ahaan xubnaha Golaha Wasiirrada oo muujiyay dadaal muddadii ay xilka hayeen, ayaga oo ku shaqeynayay marxalad adag. Wuxuuna hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ka codsaday in la siiyo xushmadda ay mudan yihiin.

Madaxweynaha wuxuu soo dhaweeyay sida ay awooda ugu yeehseen hayadaha dowliga in ay xaliyaan xaaladda siyaasadeed ee soo wajahay dalka iyadoo aanan dibadda laga soo faragelin. Madaxwaynuhu wuxuu ku amray hayadaha aminga in ay foojignaan dheeraad ah la yimaadaan, kana hortagaan cadowga umadda.

Madaxweynuhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u ballanqaaday in aan habac soo geli doonin habsami u socodka howlaha baaxadda leh ee Qaranka oo ay ka mid yihiin la dagaallanka Shabaab iyo xagjirnimada iyo sugidda amniga, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in howlaha leh mudnaanta koowaad oo ay ka mid yihiin dib u eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka, dhammaystirka dhaqangelinta nidaamka Federaalka iyo doorashada 2016 oo dhammaantood ka mid ah Hiigsiga 2016 ay ku qabsoomi doonaan xilligii loogu tala galay.

Si taas loo xaqiijiyana, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ballan qaaday in la tashi ka dib uu sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurta galka ah ku soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaare hanan kara howsha hortaalla Dowladda si loog dhabeeyo himilada Shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online