Munaasabad lagu furayay Masjid wayn oo lagu qabtay Galdogb (Masawiro)

December 14, 2014 - Written by Editor
Masaajid GaldogobGaldogob:- Munaasabadaani oo ay soo abaabushay Mu’assasada Al-Minhaaj ayaa waxaa ka soo qayb galay Maamulka Degmada, Culumada, Golaha Guurtida, Waxgaradka, Ardayda, Haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada Magaalada.

Munaasabada oo Hadalo qiima badan lagasoo jeediyay ayaa dhamaan Dadwaynihii ka hadlay waxaa ay soo dhaweeyeen Masaajidkaan Cusub iyaga oo ilaahay uga Baryay cidii dhistay inuu ka ajar siiyo.

Masaajidka ayaa waxaa dhistay Marwo Xaawo Warsame Galayr oo ka timid Qurbaha.

Masjidka ayaa waxaa loo dhisay  si casri ah waxaana uu leeyahay dhamaan Qaybihii kala gadisnaa ee loo baahi qabay, wuxuu leeyahay Qaybta Dumarka gaarka u ah iyo meherado lagu fududeeyo adeegiisa.

Masjidka ayaa waxaa la rabaa in lagu mataaneeyo Madrasada Imaamu Shaafici oo ka mid ah Madaarista ugu Ardayda badan magaalada si ay Ardaydu uga faaidaystaan Xilyada aysan Diraasada lahayn ama Fasaxa ah Qur’aan akhrinta Salaadaha Sunada ah , Kutub Cilmi ah oo ay Akhristaan iyo Salaadii Faradka ahayd oo Aasaas u ah Acmaasha Masaajidka.

Madarasada Imaamu Shaafici oo hada ku jirta guryo kiro ah ayaa loo gaday dhulka masjidka ku hareeraysan, dhawaannaa waxaa la rajaynayaa in dhismeheedu bilowdo.

no images were found

Dhamaan dadkii Munaasadaba kasoo qayb galay ayaa aad ugu faraxsanaa Masaajidkaan Cusub waxayna kusoo gabagabowday jawi qurux badan.

Xafiiska Warfaafinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj (Galdogob)

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online