Muxaadarada 2aad ee Mutamarka Cape Town Sheekh Dr.Maxamuud Hoori [Dhamaad
December 30, 2014 - Written by EditorCape Town :-Waxaan galabta si habsami leh uga bilaawday magaalada Cape-Town mutamarkii Islaamiga kaas oo ku bixi doona Luqadaha Soomaaliga iyo English waxaana Mutamarka uu ka socdaa Masaajidda Sunnah iyo Salaam ee Bellville.
Culumada ka qeyb galeysa Mutamarka ayaa waxaa kale oo ay qaban doonaan dowro sharci ah iyo kulamo kala duwan oo ay la yeelan doonaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Cape-Town.
Muxaadarda Labaad ee Mutamarka Islaamiga ee ka socta magaalada Cape-Town ayaa bilaaban doonta bacdal Maqrib waxaana soo jeedin doona Sheekh Dr.Maxamuud C/raxmaan Hoori wuxuuna jeedin doonaa muxaadaro cinwaankeeda uu yahay كيف تطور ذاتك و تغير حياتك نحو الأفضل
Mutamarkan Islaamiga ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Majliska Al-Bayaan ee dalka Koonfur Afrika waxaana sanadkan ka qeyb galaya Mutamarka culumada kala ah .
1. Sheekh Maxamuud Shibli (Kenya)
2. Sheekh Dr. Cali Maxamed Saalax (Norway)
3. Sheekh Dr.Maxamuud C/raxmaan Hoori (UK)
4. Sheekh Axmed Maxamuud (Axmed yare) (Somalia)
5. Sheekh Saciid Raage (Canada)
6. Sheekh Cabdullaahi Ibraahim (South Africa)
7. Sheekh Cabdinaasir Cusmaan (South Africa)
Radio Halgan ayaa si live ah u tabinaya Mutamarka ka socda magaalada Cape Town ee dalka Sout Afrika waxaa kale oo si live u tabinaya Radio Al-Xikma oo ka howlgalada deegaanada Puntland.
Haddii aad doonaysid in aad si toos ah ula socoto Mutamarka Islaamiga ah ee Koonfur Afrika waxaan kuu sahalnay in Mobilkaaga aad si sahlan ugu shuban kartid Google Play haddii uu yahay telfanka aad heysato nooca Android hadii aad heysato Apple waxaad ka soo gishataa App Store waxaadna ku qoreysaa (Radio Halgan Live) waa free wax lacag ah maaha.
Radio Halgan Live waa Idaacad Islaami ah oo tabin doonta Insha Allaah Duruusta diiniga ah iyo Nadwooyinka Culumada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan, Radio Halgan Live waxaa ay bahwadaag la tahay Radiyaasha Al-Xikma oo ka howlgala deegaanada Puntland iyo Radio Al-Nuur oo ka howlgala magaalada Muqdisho lagana dhageysto goballada Koonfureed.
Waxaa kale oo aad duruusta iyo towjiihaadka culumada aad si dhib yar aad uga dhageysan kartaa Radio TuneIn oo aad soo gishan karto telfankaaga gacanta.Radio TuneIn ka dib meesha ay ku taal Search ku qor Radio Halgan Live . Alle waxaan ka baryeynaa in acmaasheen uu ka dhigo mid kaligiisa khaalis u ah Aaaamiin.
Hoos ka Dhagayso si live Mutamarka Islaamiga ee ka socda magaalada Cape Town ee dalka Sout Afrika
Halkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.
Maamulka Radio Halgan Live
OgeysiismutamarHalkan Ka Dhageyso Radio Halgan Live.
Jazaakumullaahu kheyran.
Xafiiska Dacwada
Albayaan Cape Town