M/weynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas Oo Maanta u dhoofay Dalka Ethiopia (Masawiro)

December 14, 2014 - Written by Editor

IMG_2907Garoowe:-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-12-2014  u dhoofay Dalka Ethopia gaar ahaan magaalada adisababa iyagoona ka amababaxay garoonka diyaaradaha ee Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe.

Madaxwaynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdiweli Indha Guran, waxana Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku sagootiyey  madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camay, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Dadweyne kale.

‘’Maanta waxaan u dhoofayaa magaalada Adis-ababa ee Dalka Ethopia oo aan ku maqnaan doono muddo saddex maalmood ah oo aana u tagi doono  howlo shaqo iyo weliba xoojinta xiriirka nagala dhaxeeya iyo weliba dhanka arrimaha amaanka’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

no images were found

Madaxwayne Gaas ayaa maalmaha kooban ee uu ku sugan yahay dalka Ethopia kulamo la qaadan doona madaxda dalkaasi kadibna waxaa uu dib ugu soo laaban doona dalka.

 

-DHAMMAAD-

 Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online