Nadwadii ka socotay Majidka Al-huda ee Garoowe oo gashay Habeenkii 4-aad Iyo Darsigii Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed.[Masawiro]
December 19, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa habeenkii 4aad s itoos ah uga socota masjidka alhuda Caasimada dowladda Puntland nadwa cilmiyeed kii 7-aad ee sanad walba lagu qaban jiray Garowe . Waxaa xalay muxaadarada qaybteedii hore soo jeediyey Sh.Cabdi Naasir Xaaji Axmed waxaana Sheekhu Ciwaan uga dhigay (Islaamka Iyo Xuquuqda Dumarka ).
Waxaana sheekhu faahfaahin dheer ka bixiyay in diinta islaamku tahay tan kaliya ee dumar xaq dhowrtay islamarkaana ilaalisa sharaftooda iyo Caafimaadkooda halka dowladdaha sheegta dumarbaan cadaalad u samaynaa ay ku shaqeeyaa ilaa la arkay islaan bulukeeti dhabarka ku sida oo guridhisaysa.
Waxaa kale oo sheekhu soo qaatay tusaalooyin dhowr ah kuwaas oo dhamaan ka hadlay shirqoolka gaaladu la damacsantahay gabdhaha muslimka ah, sheekha oo hadalkiisa sii wada ayaa yiri ” majirto reer galbeed cid uga daran dumar sababtu way ku shaqaystaan waana dulmiyaan heer ay gaareen in qofta dumarkaa loogu magacdaro ninkii guursada horayna siddii xoolihii ayaa loo dhaqmi jiray halka diinta Islaamku ka soo horjeedo dhamaan xadgudubka sharafta bani’aadamka”.
Isku soo duuboo waxaa sheekha darsigiisa dhagaysanayay boqolaal dadweyna ah iyagaa si live ah kala socday Idaacadda Islaamiha ah ee AlXikma Iyo webka Halgan.net oo si toos ah looga dhagaysanayay daafa caalamka.
Waxaa muxadarada qaybteedii labaad soo jeedshay Sh.C/risaaq Mire Gaataa waxaana sheekhu si baaxad weyn u qaadaa dhigay Akhlaaqiyaadka Qoyska muslimkaa ) Sheekh cabdirisaaq ayaa kumicneeyay qoyska muslimka ah ee Akhlaaqda wanaagsan leh in uu caalam ka oo dhan badali karo sidaas darteed loo baahan yahay in qoyska muslimka ah uu akhlaaqdiisa hagaajiyo isagoo kaga dayanaya qoysaskii Rasuulka Sallalaahu calayhi wasalam .
Waxaana caawa haddii Alle idmo la soo gabagabayn doonaa Nadwadii diiniga ahayd ee ka socotay Masjidka Al-hudaa ee Garoowe iyadoo nadwada laga soo saari doono bayaankii khitaamiga ahaa ee Nadwada loona jeedin doono naseexo guud umada Soomaaliyeed oo dhan.
no images were found
Xafiiska warbahinta
Alminhaaj Puntland
Nuur Jaamac Aadan.
(nuurjaamac21@gmail.com)