Nadwo diini ah oo xalay ka bilaabatay Masjidka Al-hudaa ee Garoowe.[Masawiro]
December 16, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 15/12/2014 kabilaabatay Masjidka Alhuda ee Magaalada Garoowe caasimadda Dowladda Puntland Nadwadii 7aad ee sanad walba waqtigaan oo kale lagu qaban jiran Garowe . Nadwada oo sanadkaan Ciwaan looga dhigay ( مشكلات أسرية وظواهراجتماعية مع حلول مناسبة ) Waxaana ka soo qayb galay Culimo’udiin Soomaaliyeed oo caanka ah geeska afriga waxaana mudada ay soconayso nadwadu Culimadu ku soo bandhigayaan mowduucyo kala duwan oo ku wajahan qoyska muslimkaa iyo waxay ku badbaadi lahaayeen Aakhiro iyo aduun .
Waxaa kalimadda nadwada furay Gudoomiyaha Mu,asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Waxaana uu warbixin kooban ka bixiyay nadwada iyo waqtigay socon doonto. Waxaana uu warbixin faahfaahsan ka dib ku soo dhaweeyay Sheekh Cabdi Rashiid Maxamed Ismaaciil oo ku hadayay Magaca Culimada waxaana sheekhu ku soo dhaweeyay Culimadii Safarka ku timid Masjidka Al-Huda .
Intaas ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi qani Xaashi Cali waxaana uu u mahad celiyay Mu,asasada Alminhaaj isagoo ku tilmaamay minhaaj in ay tahay calaamad lagu dayan karo waxaana uu ku booriyay dadaalka in ay sii laba jibaaraan waxaana uu dhankiisa Culimada ku soo dhaweeyay Caasimada Puntland iyo Gobolka Nugaal waxaana uu u rajeeyay culimada in cilmigooda eebe u barakeeyo.
Waxaana si rasmi ah nadwada u daah furay Wasiirka Wasaarada Cadaalada Iyo danqan celinta Dowlada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame waxaana uu ku tilmaamay nadwadaan in ay leedahay Ciwaan aad u qiimi badan waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ka faa iidaystaan isagoo dhankiisa u duceeyay dhamaan cidii ka soo shaqaysay waxaana uu gabagabadii u duceeyay Dhaman Culimada waqti gooda u soo huray bulshada in ay u faa iideeyaan .
Waxaa makarafoonka lagusoo dhaweeyay Sh.Xasan Maxamed Muuse (Xasan Bookh) Oo ku qornaa Nadwada darsigii ugu horeeyay ee caawa waxaana uu qaadaadhigay ciwaanka ah Qoyska Muslimkaa waxaana sheekhu ku dheeraaday habka diinteenu u jidaysay in loo maro guurka isagoo xaaraan ku tilmaamay isla bixida wax lalayaabana ku sheegay in nin gabar uu dhalay reero ninkood loo geeyo islamrkaana loo sameeyo walaayad ama mas,uuliyad uusan eebe siin .
Waxaa sheekhu ugu baaqay odayaasha gabdhaha dhalay in haduu rabo in uu u guursho gabdhiisa nin uusan u baahnayn wadaad iyo howl badan ee laga doonayo oo kaliya markhaatiyaal iyo in uu dhaho oo kaliya waan kuu guurshay gabdhayda isna uu aqbalo.
Waxaa isna kalimad kooban oo dardaaran ah raa ciyay Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo isna dhan kiisa ka digay masaafada iyo dhibka ay ku hayso Soomaaliya waxaana uu ugu baaqay bulshada in ay waxaas khariban iska ilaashaan waxaana sheekhu sheegay in la arkay gabar bil gudaheed saddex nin guursatay waxaana sabab u ah ficiladaan khaldan .
no images were found
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska warbaahnta
Mu’ssattu Al-minhaaj