Ra’iisulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid oo maanta Baarlamaanka hortagaya
December 24, 2014 - Written by EditorMuqdisho :-Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta hortagi doona baarlamaanka DFS si uu u weydiisto codka Kalsoonida.
Xildhibaanada DFS ayaa saaka isku diyaarinaya in ay codka kalsoonida u qaadaan Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo uu madaxweynaha DFS uu soo magacaabay 17 December 2014.
Kulan ay shalay isigu yimaadeen guddiyada Joogtada ee Barlamaanka DFS oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaahir) ayaa waxaa lagu shaaciyey in codka kalsoonida uu weydiisan doono Raisulwasaare Sharmaarke golaha baarlamaanka DFS.
Xildhibaanada baarlamaanka DFS ayaa cod gacan taag ah u qaadi doona Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke,Waxaa la wada dhowrayaa mowqifka ay qaataan xildhibaanada DFS maanta iyo in ay aqbalaan Raisulwasaaraha cusub ee DFS.
Raisulwasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa noqonaya Raisulwasaarihii 3aa ee uu soo magacaabo Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud.
A/Cawale
Halgan.net