Ra’yigeyga sow Xor uma ihi ? W/Q Abdulbasid Sh.Ibraahim
December 5, 2014 - Written by EditorIn badan dadku waxay is weydiiyaan ama ku doodaan in Qof walba uu Ra’yigiisa u madax banaan yahay oo siduu wax u arko ama ula muuqato uu wax u sheegi karo. Hadalkaan waxbaa sax ka ah , laakiin sida loo dhahayo ma aha .Qofka Muslimka ah waxaa ka reeban inuu Ra’yi iyo Talo ka bixiyo Arimaha soo socda:-
– Amuuraha Caqiidada iyo waxa maqan ( الغيبيات ) .
– Waxaa ku saabsan Cibaadada dhamaanteeda .
– Wixii ku tacaluqa shariicada iyo Axkaamta , Xuduuda, Xalaasha , Xaaraanta iwm.
– Akhlaaqda iyo habdhaqanka wanaagsan sida Runta , Samafalka Iwm , weligood isma bedelaan , Dhaqanka Xun sida Beenta , Khiyaanada iwm , ma fiicnaadaan.
– Wixii ku saabsan Akhbaartii Nebiyada SAW, iyo Saxaabadii Nebigeena SAW.
– Lama ogola Ijmaaca sugnaadey ee Culimada Muslimiinta in la fara geliyo .
Wixii intaa ka soo haray Qofku xaqbuu u leeyahay Inuu Ra’yigiisa ka dhiibto isagoo aan Qof caayin , Xumaan faafin , been sheegin ,dhibaato Abuurin ,Dad Isku dirin .
Halkaan ka Akhri Qoraalka oo Af carabi ah oo dhamaystiran
W/Q Abdulbasid Sh.Ibraahim