Sh Daahir Aw-cabdi oo ku baaqay in la joojiyo Colaado deegaanka Rako.[Dhagayso]
December 16, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Sh Daahir Aw-cabdi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool Boosaaso kana mid ah culimada ka qayb qaadanay Nadwo diini ah e e ka socota Masjidka Al-hdaa ee Garoowe ayaa waxaa uu ugu baaqay waxgaradka , Aqoon yahanka , Isimad , culimada iyo gacanacsata iyo dowadda Puntland ay ka qayb qaataan colaad dib ugu soo cusboonaatay reer guura oray ugu dagaalamay degaanka Rako ee Gobolka Bari.
Sh Daahir Aw-cabdi ayaa ugu baaqay ganacsada , siyaasiyiinta ku beel ah 2-da beelood ee dagaalamaya in ay ka fogaadaan in ay ka qayb qaataan colaada ama ku bixiyaan wax taageero ah maadaam Arrinkaas ay tahay mid xaaran ah. Sh Daahir Aw-cabdi ayaa xusay in diinta Islaamka ay mamnuucday in laga qayb qaato wax lagu dilay qof muslin ah qofkii arrinkaas ka qayb qaata uu aduun iyo Akhirba ay khasaari doonaan.
Hoos ka Dhagayso Baaq Sh Daahir Aw- Cabdi uu ka jeediyey Masjidka Al-hudaa ee Garoowe
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/v8crdh8ujy/AUD-20141216-WA0000.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net