Sh Dr C/risaaq Takar oo booqasho dacwo ku tegay degmada Galdogob.[Masawiro]
December 8, 2014 - Written by EditorGaldogob:-Fadiilatu Sh.Dr C/risaaq Maxamuud Takar oo ka mid ah culumada ugu caansan culmada soomaaliyeed fadhigiisuna yahay wadan UK gaar ahaan magaalada London ayaa galabnimadii sabtida ee 29/11/2014 soo gaaray magaalada Galdogob, qaybo ka mid ah culumada iyo nabadoonada iyo waxgarad kale ayaa sheekha uga hortagay dibada magaalada si diirana ugu soo dhaweeyey.
Isla maqribnimadiiba Sheekh Dr C/risaaq Maxamuud Takar wuxuu muxaadaro caam ah ka jeediyey masjid jaamaca magaalada , muxaadarada oo ay soo agaasimtay mu,assasada Alminhaaj ee Galdogob oo sheekhu marti u ahaa ayaa waxaa ka soo qayb galay dadwayne aad u faro badan.
Sheekhu wuxuu kale oo la kulmay hawlwadeenada mu,assasada Alminhaaj iyo ducaada reer Galdogob oo uu si qoto dheer ugala dardaarmay sidii dacwada islaamku u xalin lahayd ulana jaanqaadi lahayd duruufaha ay ku jiraan bulshada soomaaliyeed,sidoo kale loo horumarin lahaa hababka loo baahan yahay in diinta islaamka loo fidiyo.
Sheekhu wuxuu kaloo booqday qaybo kamid ah xarumaha adeega bulshada, sida Idaacada quraanka ee Xikma, Galdogob general Hospital, dhismaha xarunta xanaanada dadka dhimirka la, Dhismaha Machadka Imaamu-bukhaari, IWM. Si kastaba ha ahaatee booqashada Sheekha oo ahayd tii koowaad oo uu Galdogob ku yimaado ilaa iyo burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya ayey aad usoo dhaweeyeen dadwaynaha reer Galdogob wax badana ka tartay dardargalinta dacwada diinta islaamka.
no images were found
Mu,assasada Al-minhaaj
Halgan.net, Galdogob