Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo Muxaadaraad ka wada magaalada Kampala.(Masawiro)

December 28, 2014 - Written by Editor

DSC02516Kampala :- Sheekh Bashiir Axmed Salaad madaxa hay’ada culimada soomaaliyeed oo sidaan horayba idinku soo gudbinay ku jiray kulamo dacawi ah muxaadaraadna kajeedinayay kudaha magaalada kampala horayna u jeediyay muxaadaraad kala ahaa UCARARA XAGGA ALLAAH iyo KUDADAAL WAXA KUANFACAYA .

Maalinkii sabtida ay taariikhdu ahayd 27/12/2014 sheekhu wuxuu bilaabay muxaadaraadkiisa ku aadanaa wacyi galinta ardayda taa uu ka jeediyay muxaadaro hoolka wayn ee jaamacada INTERNATIONAL UNIVERSITY OF AFRICA taa oo ay ahayd cinwaankeedu DHALINYARADA IYO SHAHWAADKA KU XEEDHAN sheekha ayaa siwacan ugaga hadlay arimaha dhalinta soomaaliyeed taa oo soojeedatay ardayda waxkabarta wadankan uganda gaar haan ardayda reer kampala iyagoo sheekhana waydiiyay su’aalo qusaysa arimaha dhalinyarada .

Muxaadaraadkaa ayaa waxaa ka siidambeeyay muxaadaro uu jeediyay habeenkii axada taa oo ku beegneed maxaadaro cinwaankeedu yahay SOOMAALIDA DHAAWACAN WAA MAXAY DAWADEEDA muxaadaradaan oo dhacday qeebteeda hore taa uu sheekhu ku balbalaadhshay waaqica dhabta ah ee soomaalida maanta isagoo ummada u gudbiyay warbixino dhab ah oo qaarkood sheekhu la kulma isagoo intabadan muxaadaradiisu ay ku shubanaysay waxyaabo dhacay oo soomaaliduna ay caadaysatay.

Sidoo kale maanta oo axad ah sheekhu wuxuu galay muxaadaradii 2aad ee wacyigalinta ardayda jaamacadaha taa oo ay cinwaankeedu ahaa DHALINYARANIMADA IYO FAWAA IDEEDA sheekha ayaa ku dheeraaday in uu sharaxo dhalinyarada iyo nicamta uu allaah siiyaya iyo qaabka ay ugaga faaidaysan lahaayeen isagoo kusoo gabagabeeyay muxaadadiisa fatawa uu ku lafagurayay su’aalo ay waydiinayeen ardayda taa oo u badnayd su’aalo fiqi ah .

Ugu dambeentii sh.bashiir axmed salaad oo caawa oo ay soo galaysa isniin taariikhduna kubeegantahay 28/12/2012 ka jeediyay masjidka tawxiid ee xaafada kisinyi muxaadaradii ahayd SOOMAALIDA DHAAWACANTAY WAAMAXAY DAAWADEEDA qeebteedii 2aad taa uu sheekhu kaga hadlayay qeebtii ugaga harsanayd muxaadarada isagoo si gaadh ah ugaga hadlay xalka soo maalida ama daawada dhaawacooda sheekha ayaa ummada ugu baaqay in aygarato xanuunkooda si ay u helaan daawada dhabta ah ee cudurka hayya isagoo yidhi ‘ummada ha iska ilaaliso qabiil ,qabiilku waa kan nadhigay meesha ay soomaali taalo maanta waxaynu ugaga bixi karnaa kali in ay ummada isku soolaabato’

no images were found

Sheekha markuu ka hadlayay qaabka fedelaalka ayuu ku tilmaamay dhaandabagaale isagoona kutilmaamay kalimad ah ‘ cirka badh dhulka badh ‘

Sikastaaba ha ahaatee muxaadaraadkan ka soconaya magaalada kampala oo ay soo abaabuleen madaxda markazka tawxiid – kampala ayaa ah kuwa laqabto sanad walba dhamaad kiisa si dadka lagu mashquuliyo diintooda iyo dacwada

Abdisamed Hassan Hersi
Halgan.net – Kampala​

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online