Shirweynaha Nabadeynta Beelaha Maxamed Garaad iyo Cabdi Garaad oo furmay

December 27, 2014 - Written by Editor

Nabdaynta BeelahaSaaxdheer:-Waxaa maanta si rasmi ah uga furmaya Deegaaanka Saaxdheer Shirwaynaha Nabadaynta Beelaha Maxamed Garaad iyo Cabdi Garaad (Qayaad Iyo Bahararsame) , iyadoo Galabnimada maanta la filayo inuu furmo.

Gogoshan Nabadaynta oo uu dhigay marti galiyay Garaadka guud ee Beelwaynta Dhulbahante Jaamac Garaad Cali Habeenimadii xalay waxaana soo gaadhay dhamaan ergooyinkii ka qeyb gali lahaa oona ma tali doona labada beelood ee walaalaha ah ee shaqaaqadu dhex martay maalmihii u danbeeyey .

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaan doonaan Odayaasha 2-da dhinac ee nabadayntu ka dhexeyso, , iyo Odayaal dhaqameeed waaweyn ee Deegaanka Garaadka oo hogaaminaya Gudiga nabaynat 2-da dhinac , Wuxuuna uu socon doono maalmaha inagu soo fool leh si looo dhamaystiro nabadaynta Beelahaan Walaalaha ah .

Ergooyinka ka kala yimid Buuhoodle iyo Laascaanood ayaa kala ah dhawr iyo Toban Laascaanood ka tegey shalay iyo maanta iyo qayb beri tego doona iyo 25-ka kala yimid magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn, Sidoo kale waxaa laga yimdi Magaalada Taleex ee xarunta Taariikhda Soomaaliyeed .

Ugu Danbaynta waxaa la filayaa in galabnimada maanta uu furmo Shirkaan maadaama aan Ergooyinkii soo wada dhamaan .

Mawliid Ismaaciil Digeed
Laascanood Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online