Soomaaliya oo Xubin ka noqotay Midowga Carabta ee arrimaha Sayniska hawada sare iyo Falaga.

December 13, 2014 - Written by Editor

20141208_121954Muqdisho:-Shirka muddo 4 maalmood (8-11 Dec 2014) ka socday magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraatka carabta oo looga hadlayay Taariikhda Seyniska iyo saameyta ay muslimiinta iyo carabtu ku la haayeen taariikh ahaan, sidoo kale arimaha Falaga iyo Hawada sare ayaa waxaa soomaaliya loogu aqoonsaday Xubin rasmi ah oo ka tirsan Midowga Carabta ee arimaha seyniska Hawada sare iyo Falaga.

Bayaan ka soo baxay gababagada shirka ayaa waxaa lagu cadeeyay in Soomaliya ay ku soo biirtay Midowgaas, iyada oo Gudoomiyaha Midowga Carabta ee seyniska hawada sare iyo Falaga Dr Xamiid Al-nuceymi, ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Shaariqa, uu caddeeyay gabagabadii shirka in ay ku faraxsan yihiin ku soo biiridda Soomaliya taas oo ah tillaabo horey loo qaaday.

Dr Hassan Albasri Sh. Abdulkadir oo ah Gudomiyaha Jaamacadda Imam ee Muqdishu, ahna xubinta kaliya ee Soomaaliya ka socday shirkana ka qeyb galay ayaa gacan ka geystay ka dhaadhicinta mas’uuliyiinta Midowga in soomaaliya xubin rasmi ah loo aqoonsado. Midowga Carabta ee Seyniska hawada sare iyo Falaga ayaa waxaa la aasaasay 1998, waxaana xubno ka ah wadama carabta, waxa uuna hoostagaa Jaamacadda Carabta.

no images were found

Dr Hassan Albasri
Shaariqa- Imaaraatka

 

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online