Taliyaha ciidanka DFS ee Gedo oo sheegay in ay qabteen Sakariya Ismaaciil Xirsi(Dhageyso)
December 27, 2014 - Written by EditorGedo:-Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee gobalka Gedo ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid Saraakiisha sare ee kooxda Al-Shabaab waxaana magaciisa ay ku sheegeen Sakariya Ismaaciil Xirsi oo ahaa ku xigeenka amniyaadka Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka gobolka Gedo, Jen Cabbaas Ibraahim Gurey oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in ay qabteen Sakariya Ismaaciil Xirsi ka dib markii ay howlgal saaka ciidanka DFS ka sameeyeen deegaano ka tirsan DEgmada Ceelwaaq .Jen Cabbaas Ibraahim Gurey Cabbaas ayaa sheegay in Sakariya lala qabtay xog-hayihiisa iyo hub ay siteen.
Sakariya Ismaaciil Xirsi ayaa waxaa uu ka soo cararay amiirkii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane ka dib markii ay is khilaafeen lana khaarajiyey rag badan oo khilaafay Godane wuxuuna dhowr jeer uu ka badbaaday isku day dil lagu khaarajin lahaa.
Dowlada Mareykanka ayaa 2012 waxaa ay lacag madaxiisa dul dhigtay Sakariya Ismaaciil Xirsi waxaana ay ku goobayeen aduun dhan 3 milyan oo doollar .
Sakariya Ismaaciil Xirsi ayaa mudo dhan 18 bilood ku dhuumaaleysaneyey gobalka Gedo .Wararka qaar ayaa sheegaya in Sakariya Ismaaciil Xirsi uu isku dhiibay ciidanka DFS ee gobalka Gedo sida uu warbaahinta u sheegay
Col.Xasan Cabdi.
Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ee ku aadan qabashada Sakariya Ismaaciil Xirsi
Hoos ka Dhageyso Jen Cabbaas Ibraahim Gurey oo ka waramaya qaabkii ay u qabteen Sakariya Ismaaciil Xirsi
C/Casiis Maxamed
Halgan.net