Udigitaanka Muslimiinta inay isku ekeysiiyaan Lunsanayaasha Sh.Badal Maxamuud Sugulle
December 26, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Iyadoo aanu ku jirno gaba gabada Sanadka Miilaadiga ah ee 2014 Dadwayne fara badan oo lunsanna ay u dabaal Dagayaan Dhalashadii Nabi Ciise Calayhi Salaam mar labaadna ay isku diyaari nayaan u Dabaal daga Sanadka Cusub ayaa Muxaadaro arintaasi ku saabsan waxaa ay ka dhacday Masjidka Weyn ee Ramadaan Magaalada Gaalkacyo Xaafada Garsoor.
Muxaadarada oo Ciwaankeedu uu ahaa : تحذير المسلمين عن التشبه بالضالين ayaa waxaa soo jeedinayay Sh.Badal Maxamuud Sugulle Hormuudka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo) waxaa uuna Muxaadaradiisu u kala qaybiyay Shiikhu Shan qaybood oo waaweyn:
1-Maxaa Ciid la yiraahdaa? Ciid waxay ka timid erayge Carbeed ee (عاد) waana waxa soo noq noqda ee la wayneeyo ama loo dabaal dago, Muslimiintu waxay leeyihiin laba Ciidood oo waaweyn oo yimaaado Xili farxadeed oo Muslimiintu ay ku faraxsan yihiin Gudashada Laba waajib oo waaweyn iyo Ciida Isbuuca Jimce.
2-Qaar kamida Ciidaha Gaalada oo Muslimiinta looga digayo: Olompic(Sanam Yuunaani ah) Ciida Jacaylka, Ciidul Fasiix(Yuhuuda Maalin kamida Maalmihii Nabi Muuse la badbaadiyay), Ciidul Masiix (25-Decmber-Kiristaan) waxaa ceeb ugu filan xagee lagu arkay Ilaahay Dhalashadiisii loo dabaal dagayo, Sanadka Cusub-kiritstaan.
3-Nusuusta ama Cadaymaha Shareecada ee kusoo aroortay diiditaanka isku ekaysiinta Gaalada mid guud:waxaa Alle naga reebay inaan Gaalada Jeclaano قال تعالى : (ياأيها الذين آمنو لاتتخذو عدوي وعدوكم أولياء) وقال سبحانه: (ياأيها الذين آمنو لاتتخذو اليهود والنصارى أولياء بعضهم أولياء ) aayadahaas kaliya ayaa nooga filan in aanan Yuhuud iyo Nasaaro inaan kala baxno oo aan la jeclaan laguna dayin hase ahaatee cadaw laga dhigto, C/laahi Ibnu wuxuu yiri Nabigu wuxuu yiri : (Qofkii Qolo isku ekaysiiya iyaga ayuu kamid yahay)
Mid gaar ah oo ku saabsan Ciidaha: Sunada Nabiga waxaa ku sugan Axaadiith diidaysa in aan loo dhawaan meelaha ay Gaaladu ciidahoodu ku dhigtaan inay kala qayb galnaba iska daaye (Saxaabi ayaa Nadar wuxuu ku galay meel heblo inuu xoolo ilaahay Darsiit ugu gawroco saa nabigaa waydiiyay meeshaan Gaaladu wax ciido ah iyo Munaasabada ma ku qabsan jireen Sanamse ma u yaalay suu yiri maya marka fuli ayaa yiri Nabigu) iyo Axaadiith kale Salafkiina waxay ahaayeen kuwo aanan ka qayb galin Ciidaha Gaalada.
4-Ciidaha Gaalada Qofka Muslimka ah Mawqifka uu ka qaadanayo Muxuu yahay? Qofka Muslimka ah waa xaaraan inuu ka qayb galo Ciidahooda, Hadiyadna kama qaadan karo Maalintaas, adiguna Hadyad ma siin kartid, Nasashadaada iyo Fasaxaaga haku aadin Xiliyada Gaaladu ay fasaxyihiin, Diinta macaan keeda in uu raadiyo uuna ku qanco, Hadal Qoraal ama Muuqaal ha uga qayb qaadan Tahniyaynta Sanadka Cusub oo hadirin Msgyo ama Codad iyo xiriiro aad ku leedahay Sanad Cusub كل عام وأنتم بخير
5-Kitaabo aad u faahfaahiyay isku ekaysiinta gaalada oo loogu tala galay inay Ardaydu ka faaidaystaan. إقتضاء صراط المستقيم لمخالفة أصحاب الجحيم للشيخ الإسلام ابن تيمية
تشبيه الخسيس بأهل الخميس للإمام الذهبي
Si kastaba ha ahaatee Muxaadarada ayaa waxaa ay ahayd mid aad usoo jeeditay dad waynaha isla markaana si cad u taabanaysay Xaalada lagu jiro oo caalamku uu noqday mid u qafaalan Yuhuuda, waxaana kasoo qayb galay Dadwayne aad u farabadan.
Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi
Maxada Xafiiska Warfaafinta ee
Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)