Warbaahinta Soomaalida qaarkood oo ku been abuurtay Sh Nuur Baaruud Gurxan.[Cod/Video]
December 23, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa wax laga xumaado ah in webabka Soomaaliyeed qaar ka mid ah in ay ka faafiyaan been abuur Sh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliya ahna Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda culimada Soomaaliyeed.
Mareegaha Soomaaliyeed ayaa faafiyey Qoraal ay cinwaan uga dhigeen ” Culumo uu ka mid yahay Sh.Nuur Baaruud oo si xun u dhaleecayay Ra’isul wasaare Cumar Abdirashiid -“Aabahiis ayaa tuug ahaa” , ka dib akhristayaal fara badan oo Soomaaliyeed oo na soo wiidiyey arrinkaan ayaa waxaa go’aansanay in aan wajiga ka feydno been abuurka laga faafiyey Sh Nuur Baaruud Gurxan allaha dhowree.
Codka ay Isticmaaleen warbaahinta Soomaaliyeed ee been abuurka ah ayaa ah cod laga soo gooyey barmaamij ay Idaacadda Al-shabaab ay uga waramayeen.”Waa nin caynee ah Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashd Cali Sharmaake” iyagoo waraysanayey qaar ka tirsan taageerayaasha Al-shabaab kana mid ahaan jiray Xildhibaanadii dowladdii ku meel gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaan jiray Sh Shariif Sh Axmed.
Hoos ka Dhagayso codka loo isticmaalay in uu yahay Sh Nuur Baaruud oo ah mid been ah wax codkaan hore leh Dr. Xanafi Cabdi Sh.Aadan.
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/y5u1akc3w4/codbaaruud.mp3]Haddii aad xooggaa dhagaysto waxaad meesha gadaale ka maqli doontaa cod uu leeyahah Sh Nuur Baaruud oo marna soo hadal qaadin wax ra’iisul wasaare ah ama masuul kale oo Soomaaliyeed magacooda balse Sheekhu waxaa uu hadalka u jeedinayey Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud oo isagu marti u ahaa Barmaamijka dood wadaag ee uu qabtay Tv-ga Universal oo ka mid ah Tv-da Soomaaliyeed waxaana barmaamijka daadihnayey Wariye Cawil, barmaamijka ayaa waxaa lagu casumay siyaasiyiin , aqoonyahano ,culimo , haween waxaan qof walba oo su’aal iyo talo ama dhaliil u jeedinayey Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud.
Waxaa wax laga xumaado ah in webabka Soomaaliyeed oo ahaa kuwa xushmad u hayey culimada Soomaaliyeed kana fiyoobaan in ay wax ka sheegaan culimada in qaarkood ay ka fududaadeen wax aysan ka fiirsan, wax ka sheega culimada iyo ku been abuurashadood ayaa waxaa caan ku ah ama mashruuc ku qaata warbaahinta taageerta Al-shabaab oo beeno fara badan ka faafiyey culimada Soomaaliyeed.
Hoos ka daawo Sh Nuur Baaruud Gurxan hadalkii nasiixada ahaa ee uu u jeediyey Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud
Hoos ka Daawo barmaamijka dood wadaag oo dhamaystiran ee tv-ga Universal uu ku qabtay magaalada Muqdisho 15 Jun 2014
C/casiis Maxamed
Halgan.net