Wasiirka shaqada shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha PL oo kormeeray Dugsiyada Farsamada ee Qardho.[Video/Masawiro]
December 20, 2014 - Written by EditorQardho:-Wasiirka shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo cayaaraha dowladda Puntland C/raxmaan Sh.Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer ku maray dhamaan dugsiyada Farsamada ee magaalada qardho wasiirka ayaa goobaha uu kormeerka ku maray waxa uu kula kulmay dhamaan Masuuliyiinta xarumahaas iyo ardayda ka faaiidaysanaysa.
Wasiirka ayaa ugu horayn waxa uu kormeerkiisa ku tagay Iskuulka Farsamada ee GTVC oo ah Iskuulka ugu wayn ee laga barto farsamada gacanta ee magaalada qardho wuxuuna galay dhamaan fasalada lagu baro ardada farsamooyinka kala duwan sida Korntada, Tubada iyo Harqaanka.
Intaa kadib ayaa wasiirka iyo wafdigiisa waxa ay kormeer ku tageen qaar ka mid ah iskuulada kale ee lagu baro ardada farsamooyinka kala duwan sida dugsiga Garwo net oo ah xarun lagu baro dumarka farsamooyinka gacanta.
Wasiirka ayaa gabagabadii kormmerkiisa waxa uu saxaafadda uga warbixiyay ujeedka safarkiisa wuxuuna yiri waxa aan qardho u soo gaarnay inaan u kuurgalno sida ay u socdaan mashaariicda lagu baro dadka danyarta ah siiba haweenka farsamooyinka gacanta oo ah farsamo ay ku shaqaystaan wuxuuna sheegay wasiirka in mashruuca uu si wanaagsan uga hergalay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Qardho oo markii hore ahaa goobihii laga bilaabay mashaariicdan loogu danaynayo haweenka iyo dhalinyarada waxaa kaloo laga bilaabi doonaa buu yiri wasiirka mashaariicda noocaan oo kale ah dhamaan deegaanada Puntland.
Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay dhamaan Hay’adaha taageera barnaamijyadan iyo ururada fulinaya howshan wuxuuna aad ugu mahadceliyay Hay’adda DRC oo mashruucan si wanaagsan uga qaybqaadatay.
Sanadihii u dambeeyay puntland waxaa ka socday dadaalo loogu jiro sidii dhalinyarada xirfado iyo shaqooyin loogu abuuri lahaa si looga weeciyo Tahriibta iyo Burcadbadeednimada iyadoo dugsiyada farsamada gacanta ay ka soo bexeen dhalinyaro ku shaqaysta xirfadooda.
no images were found
Hoos ka Daawo shirka jaraa’id ee Wasiirka shaqada shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha PL oo kormeeray Dugsiyada Farsamada ee Qardho
Daauuud Maxamad Xasan (Daauud Geerow)
Qardho-Puntland-Somalia