Xaflad loo qabtay Arday Quraanka dhamaysay magaalada Galdogob.[Masawiro]
December 25, 2014 - Written by EditorGaldogob:-Galabnimadii jimcaha ee ku beegnayd 19/12/2014 ayaa madrasada Daarulhidaaya waxay qabatay xaflad si heersare ah loo soo agaasimay, xafladaas oo ay madrasadu u qabatay arday quraanka dhamaysay ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka degmada, maamulka Mu’assasada Alminhaaj, waxgarad kala duwan, iyo dad wayne aad u faro badan, waxaan ayaguna meesha ka maqnayn bahda madrasada waalidiin, macalimiin, arday iyo maamulba.
Madrasada Daarulhidaaya oo ka kooban labo farac ayaa kamid ah madaarista ugu firfircoon magaalada Galdogob, mudadii koobnayd oo ay furnaydna soo jiidatay indhaha magaalada, maamulka madrasada ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey waxqabadka madrasada iyo waxyaalaha ay higsanayso.
Xaflada oo uu xiriirye ka ahaa arday aad u da’ yar, isla markaana ay hadalo kasoo jeediyeen qaybo kale oo ardayda kamid ah, ayaa dhamaan dadwaynihii iyo martisharafkiiba kawada maqsuudeen qaabka ilmahaas loo diyaariyey, halka dadkii xaflada ka hadlay ay soo jeediyeen hadalo dhiirigalin iyo soo dhawayn isugu jiray.
Uga danbayn ardayda quraanka dhamaysay ayaa la gudoonsiisiiyey shahaadoooyin, waxaana sidoo kale lagula dardaarmay inay barashada diinta halkeeda kasiiwadaan, Mu’assada Alminhaaj ayaa dhankeeda soo bandhigtay mashruuc ay ugu talogashay ardayda quraanka dhamaysay oo qorshayntiisii socoto.
no images were found
Mu’assasada Al-minhaaj
Galdogob, Somalia