Xaflad loo qabtay Arday Qur’aanka Kariimka ah ku dhamaysay dugsiga Masjidka Al-risaalah ee Waqooyiga London.[Masawiro]
December 20, 2014 - Written by EditorLondon:-Waxaa maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 20. 12.2014 lagu qabtay Hoolka Muxaadarooyinka ee Masjidka Al-risaalah , xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay oo loo qabtay 5-ta arday oo Quraanka Kariimka ah ku dhamaeeyay Dugsiga Masjidka Al-risaalah.
Xafladda oo uu soo agaasimay maamulka Dugsiga ee Masjidka Al-risaalah ayaa waxaa ka soo qayb galay Culumo, aqoonyahan, dhalinyaro waalidiin iyo ardayda Dugsiga. Gabagabadii xaflada ayaa ardaydii Quraanka dhamaysay waxaa la guddoonsiiyay shahaadooyin iyo hadiyooyin.
Dugsiga Al-risaalah, oo ka mid ah Madaarista lagu barto Xifdinta Quraanka kariimaa ee ku yaala Magaalada London ayaa ardayda wax ka barataa boqolaal wiilal iyo gabdho isugu jira.
Waxaa xusid mudan inaysan ahayn markii ugu horaysay oo xaflad noocaan oo kale ah lagu qabto Masjidka Al-risaalah, sanad walba waxa uu dugsigu xaflad tan la mid ah u dhigaa wiilal iyo gabdho Quraanka ku dhameeyay Dugsiga.
Allah ha barakeeyo Juhuuda maamulka iyo macalimiinta. Ardaydaas Quraanka dhamaysayna Allaha xifdiyo, waalidkoodna ajar Allaha ha ka siiyo dadaalkii ay ku bixiyeen caruurtooda.
no images were found
Halgan.net