Xaflad loo qabtay ardayda Machadka Khadiija magaalada Garoowe (Masawiro)

December 6, 2014 - Written by Editor

DSC06740Garoowe:-Waxaa maalinimadii Khamiista: 4/12/2014 lasoo gabagabeeyey Tartan aqooneed muddo dhowr iyo afartan cisho ah usocdey Ardayda Machadka Khadiija Bintu Khuweylid ee magaalada Garoowe, kaas oo lagu qabtay Xarunta labaad ee machadku ku leeyahay magaalada Garoowe.

Fallo kooban oo Machadka ah.
Mac-hadka khadiija dintu-khuweylid waa mac-had ku yaal magaalada Garoore ee caasimad goboleedka Puntland-Soomaaliya ,waana mac-had lagu barto culuumta shareecada islaamka qaybaheeda kala duwan iyo culuumta luuqadda carabig ah. waxaana ardayda lagu baraa maadooyin kale oo muhiim u ah nolosha qofka muslimka ah sida xisaabta, Juquraafiga, luuqadda Englishka, Kumbuyuutarka, IWM. Machadka oo la Asaaay Sanad dugsiyeedkii 2005/2006 .

Waxaana lagu tilmaami karaa in uu mac-hadku yahay xarun cilmiyeed dhammaystiran taas oo soo jiidatay indhaha arday fara badan,uuna yahay xilligan xarunta ugu ballaran ee dumarku si gaar ah wax uga bartaan Gobolada Punt-land, sidoo kalana ay wax ka bartaan Raggu, gaar ahaan xilliga Habeenkii ah, marka laga eego dhinacyo badan. machadku waxaa uu xiriir dhow la leeyahay Jaamacadda bariga afrika, sidoo kale wax uu xubin ka yahay Raabidada Macaahidda Shareecada Islaamka eee Soomaaliya, Raabidadan oo ah Dallad ay ku bohoobeen macaahidda sharciga ah ee Soomaaliya.

no images were found

Machadku wuxuu xarumo ku leeyahay magaalooyin kale oo ka baxsan Caasimadda Garoowe sida:
1. Degmada Eyl.
2. Degmada Dangorayo.
3. Kala Bayr.
4. Jalam.
5. iyo Qarxis.
Waxayna gaaraysaa ardayda dhammaan Xarumahaasi wax kabarata ilaa 950, arday.

Waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka soo qaybgashay Xafladda : Culumaa udiinka Magaalada, Qaar ka mid aha Maamulayaasha Iskuulada Magaalada, Maamulaha Machadka, madaxa Nashaadaadka Machadka, waxaana soo xiray Xafladda Xildhibaan C/salaam Xuseen Bootaan, dhammaan Mas’uuliintan ayaa bogaadiyey dadaalka iyo firifirciinida ay ardaydu muujiyeen, waxayna ku dhiirri geliyeen in sii wadaan dadaalkooda.

Gabagabadii Xafladda ayaa waxaa la gudoonsiiyey Fasaladii Tartanka ka galay kaalimaha hore Shaadooyin iyo Jaa’isooyin fasaladaas oo kala ah.
1. Fasalka lixaad qaybta D. Asaasiga ah kaalinta koobaad.
2. Fasalka Afraad Qaybta sare ah. kaalin Labaad.
3. Fasalka Koobaad D. Asaasiga. kaalinta Saddexaad.

Waxayna kusoo dhammaatay jiwi degan iyo rayn rayn.

Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
December 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online