Xaflad Sharafeed loo qabtay Dr. Abdullahi Said Jama oo ka dhacday Masjidka Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester.[Masawiro]
December 18, 2014 - Written by EditorLeicester:-Waxaa lagu qabtay Masjidka Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicester xaflad sharafeed lagu maamuusay Dr. Abdullahi Said Jama oo Shahaadadda Diktooraadka ka qaatay Jaamacadda Leicester, gaybta Genetikada gaar ahaan genetikada bakteeriya. Xaflad Sharafeedkaan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaaa waxaa ka soo qayb galay culimo, Aqoonyahano, Ducaad , Da’yar dhigta jaamacaddaha , Xafladaan ayaa waxaa u jeedkeedu uu ahaa in Dr Abdullaahi Said Jama loogu hambal yeeyo looguna duceeyo guusha uu Jaaliyadda Somaaliyeed guud ahaan ama gaar haan kuwa degan magaaada Leicester u soo hoyey.
Waxaa kale oo u jeedka xaflad sharafeedkan laga lahaa in lagu dheeri geliyo dadka daneeya waxbarshada iyo in fursadaha ka jira dalka Ingriiska ay ka faa’idaystaan bulshada Soomaaliyeed iyadoo si gaar ah loo tilmaamay Waaldiinta. Xaflad sharafeedka ayaa markii ugu horaysay waxaa lagu soo dhaweeyey Dr. Abdullahi Said Jama oo ka hadlay wax uu baaritaanka uu ku sameeyey waxaan uu xusay in uu baaritaan ku sameeyey Infekshinka laga qaado Campylobacter Jejuni. Bakteeriyadaan oo laga qaadaa hilibka Digaaga oo aan si wanaagsan loo karin iyo Caanaha aan la karkarin.
Dr. Abdullahi Said Jama ayaa sheegay in Bakteeriyadaan ay qaadaan Sanad kasta Malaayiin dad ah, haba ugu darnaadeena aduunka Saddexaad.Dr. Abdullahi Said Jama ayaa waxaa uu ku guulaystay inuu helo Gene (giin) ka qaybqaata infekshinka ay sababto bacteeriyadan. no images were found
Gabagabadii Xaflad sharafeedka ayaa waxaa ka hadlay:-
1. Dr. Mohamud Mohamed Abdurahman
2. Ustaad Mohamed Saalah
3. Sh. Mohamed Salaad
4. Abdulhakim Jama Jooje
5. Abdurahman Guled (shiino)
6. Abdullahi Xassan Isse
7. Suldaan Cabdifitaax Ahmed Guure
8. Sh.cabdulqaadir Dalmar
9. Ustaad Ali Daahir (Ali Taalin)
10. Mohamed Ahmed Ducaale
A. Osman
Halgan.net