Xeer illaaliyaha guud ee Soomaaliya oo booqasho ku yimid Minneapolis
December 20, 2014 - Written by EditorWaxaa soo gaaray magaalada Minneapolis Xeer illaaliyaha guud ee Soomaaliya Dr. Axmed Cali daahir, xeer illaaliyaha ayaa caawa oo Sabti soo geleyso soo gaaray magaalada Minneapolis oo ah halka ay ugu badantahay Soomaalida dagan Waqooyiga Maraykanka.
Safarka xeer illaaliyaha ayaa ku saabsan warbixin uu jaaliyada la qaybsan doono iyo talooyin uu ka dhagaysan doono. Xeer illaaliyaha ayaa ka hadli doona Cadaalada, xabsidayada, badda Soomaaliya, xaalada guud ee wadanka iyo Fariin uu si gaara ugu wado Qurbajoogta.
Cabdirashid Aabi oo ka mid ah qaban qaabiyaasha shir ayaa Somalitalk u sheegay inuu ku wargalinayo dadka Soomaaliyeed ee dagan Minnesota inay kasoo qayb galaan kulankaan muhiimka ah.
Xeer illaaliyaha ayaa maanta oo Sabti ah (Dec 20, 2014) shir ku qaban doona Hotel-ka Ramada Plaza ee Minneapolis, cinwaanka: 1330 Industrial Boulevard Northeast, Minneapolis, MN 55413. Saacadda shirka waa 6:00pm – 9:00pm.
xigasho
Somali Talk