Xildhibaanada Baarlamaanka DFS oo codka kalsoonida kala laabtay Ra’iisul Wasaare C/wali
December 6, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa goor dhow codka kalsoonida kala laabtay Xukuumada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare C/wali Maxamed Sheekh Gudoomiye jawaari ayaa sheegay in 153 xildhibaan ayaa kala laabatay codka kalsoonida, halka 80 xildhibaan ay diiday, labo xildhibaan ay ka aamuseem sidaas darteedna ay dhacday Xukuumadii C/weli Sh .
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, kama danbeynta isagoo sheegay in Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali ay lumisay kalsoonida baarlamaanka DFS.
Kulanka Baarlamaanka DFS ayaa waxaa soo saaka soo xaadiray sida uu sheegay gudoonka baarlamaanka 235 xildhibaan .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa laga sugayaa in uu soo magacaabo Raisulwasare cusub kaas oo wadi doona hiigsiga 2016.
A/Cawale
Halgan.ne