Afhayeenka dowladda Puntland ma jiro wax go’aamo ah oo ka soo baxay shirkii wadatashiga ee Muqdisho.[Dhagayso]

September 22, 2015 - Written by Editor

quraan-jecel-plMuqdisho:-Afhayeenka dowladda Puntland C/llahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel) oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda Daljir ayaa waxaa laga waraystay shirkii ka dhacay wadatashiga doorashooyinka 2016 isagoo xusay in Puntland ay mowqifkeedu ay u gudbisay madaxda dowladda Federaalka ah iyo beesha caalamka.

Afhayeenka dowladda Puntland C/llahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel) ” “Waxaan dowladda Federalka Soomaaliya u sheegnay in dowladda Puntland aysan aqbali karin in lagu xadgudbo Dastuurka Soomaaliya waxaan codsanay in dadka ka qayb galaya ay yhiin kuwo haysto sharciyo.”

Afhayeenka dowladda Puntland C/llahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel) ayaa xusay in aysan jir wax go’aamo ah oo ka soo baxay shirka wada tashiga doorashooyinka 2016 ee lagu soo afmeeray magaalada Muqdisho balse uu ahaa shir furmay oo bilow ah dhamaadayna Puntland ay mowqifkooda ay hordhigeen beesha caalamka guulna ay kala soo laabteen.

Hoos ka Dhagayso waraysiga ay idaacadda daljir la yeesheen Afhayeenka dowladda Puntland C/llahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel)

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Wareysi-Af-hayyeenka-Dowladda-Puntland.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online