Culimada Gobolka Soo oo Baaq Nabadeed u diray Beelaha Dirirtu ku dhex martay Qorilay iyo Tuula Jalam.‏[Daawo]

September 27, 2015 - Written by Editor

2Laascaanood:-Sh.C/Naasir Xaaji Axmed oo ah shiikhu baladka gobolka Sool iyo qaar Cuqaal salaadiin iyo waxgarad ayaa baaq nabadeed u diray beelaha dirirtu ku dhex martay deegaanada Qorilay iyo Tuula Jalam ee gobollada Nugaal iyo Sool .

Culimada iyo waxgaradkan oo shirjaraaa’id ku qabtay maanta magaalada Laascaanood ayaa ku baaqay in ay si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaallada u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee deegaanadaa ku dagaallamayaa.

Sidoo kale Culimadu iyo waxgaradan ayaa ugu baaqay waxgaradka labada dhinac in ay gutaan waajibka ka saran daminta Colaadan. Dagaalkan oo u dhaxaeeyey laba beelood oo halkaa wada dega waxaa ka dhashay khasaare badan oo dhaawac iyo dhimasho.

Dhinaca kale ,waxaa iska soo daba dhacayay maalmahaan baaqyo badan oo ka imaanay gobolada dhamaan gobollada Soomaaalidu degto iyo meelo badan. Culimada ku dhaqan magaalada Laascaanood , iyo odoyaasha ayaa baaq nabadeed u diray , iyagoo ugu baaqay in si deg deg ah oo joojiyo shaqaadan.

Culimadan oo baaq u diray odayo dhaqameedka labada beel ee dirirtu ku dhex martay ayaa ku dhaleeceeyay in illaa iyo iminka aan a hayn labada dhinac cid ka socota oo baaq nabadeed ku dhawaaqday.

no images were found

Hoos ka Daawo Culimada Gobolka Soo oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Dirirtu ku dhex martay Qorilay iyo Tuula Jalam‏

En Mawliidd Isma Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online