Diyaarado Duqeyn ka geystay deegaanka Labaatan Jiroow oo 60 KM u jira magaalada Baydhabo
September 22, 2015 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka imaanaya gobolka Baay, gaar ahaan deegaanka Labaatan Jiroow oo 60 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi ayaa sheegaya in Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ay duqaymo ka geysteen deegaanka 20 Jiroow halkaas oo ay xarun talis ku leeyihiin kooxda oo ALshabaab.
Duqeynta ayaa waxaa ay geystay khasaaro kala duwan sida uu warbaahinta u sheegay Xasan Xuseen Maxamed oo ah Wasiirka Dhaqancelinta iyo Hub ka dhigista ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .
Wasiirka Dhaqancelinta iyo Hub ka dhigista ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan kooxda A-Shabaab ay ku shirayeen deegaanka 20 Jiroow markii ay duqeynta dhaceysay isaga oo sheegay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan.
Xasan Xuseen Maxamed Wasiirka Dhaqancelinta iyo Hub ka dhigista ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay maamulkiisa wadaan qorshe looga saarayo gobalada Koonfurgalbeed kooxda Al-Shabaab kuwaas oo dhibaato ku haya ayuu yiri shacabka ku dhaqan deegaamadaas.
Kooxda Al-shabaab ayaan Weli ka hadlin Duqeynta ka dhacday deegaanka Labaatan-jiroow iyo haduu jiro khasaaro gaaray askartooda ama dad rayid ah.
A/Cawale
Halgan.net