Dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jebisay Jaamacadda Bariga Africa ee Buuhoodle.[Video/Masawiro]

September 8, 2015 - Written by Editor

1Buuhoodle:-Dufcadii ugu horraysay ee ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Africa faraceeda magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa maalinimadii shalay waxaa ka qabsoontay xarunta Jaamacada Bariga Africa. Munaasabad ay ka soo qayb galeen wufuud qiimo badan oo ka kal socotay magaalooyinka Boosaaso , Garoowe , Gaalkacyo , Laascaanood , Buuhoodle , Goldo gob , Widhwidh ayaa waxaa ka soo qayb golahii aasaasay Jaamacadan sanadkii 2011 , Sheekh C/naasir Xaaji Axmed , iyo Eng. Maxamed C/Laahi Xoosh .

Gudoomiyaha Guud ee Jaamacada Bariga Africa Prof.Aadan Sheekh. Doon Cali , Gudoomiyaha Boodhka ee Jaamacada Bariga Afrika Sh C/Waaxid Xaashi ahna gudoomiha Jamciyada Manhal ee Khayriga , Madax Tacliinta Sare iyo weliba cilmi badhista Jaamacada Bariga Africa Dr Bashiir.

Madaxa Kulliyada BBA ee maamulka iyo maarynat ee xarunta Boosaaso ,ee Jaamcad Bariga Africa Mr C/Naasir Madaxa Dacwada iyo Nidaamka ee Mu’assada Al-minhaaj Sh Cismaan Maxamuud Xaji Diriri,Gudoomiyaha Shirkada TELESOM ee laascaanood C/Risaaq Axmed Warsame ( Dhabayaco ).

Gudoomiyaha Shirkada Golis farceed laascaanood Sh Aadam Cali nuur , Maamulaha Dugsiga saree e deegaanka Widh widh ee Xirsi Dhabarle. Mudane C/Raxmaan Suul Cayn .Sh C/Raxmaan Ciise oo mida culimad awawayn ee degmada Widh widh .

Maamulaha dugsga ee magaalada Ceegaag Sh Maxamed C/Qani Macalin Faarax , Dr Axmed Jaamac Mire Madax Kuliyad Shareecada Jaamcad Nugaal Garaadka Gud ee gobolka Cayn Garaad C/Risaaq Garaad Soofe Durran iyo wufuud kalo farabadan
Gudoomiyaha golaha Deegaanka Buuhoodle C/Fataax Cali Cawil Khaatumo , guud ahaan tirade ardayda qalin jabisay Jaamacada Bariga Africa ee Buuhoodle ayaa ahaa 30 arday o dhamaystay Degree gii 1 aad ee Jaamacad .

Ugu Horrayn Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Proff Sh C/Shaafi Axmed Cali ayaa ka hadlay isagoo ka sheekeeyey in
‘Jaamacada Bariga Africa  laga furay magaalada Buuhoodle sanadkii 2011-09-03 ayna dedaal dheer ka dib Jaamacadu soo saartay dufcadii ugu horraysay oo heer Degree ah , Jaamacadu waxay u taagan tahay kor u qaadida aqoonta iyo la dagaalanka aqoon darrada iyo qabyaalada .

Guud ahaan ardayda dhamaysatay sanadkan ayaa tiro ahaan ah 30 arday oo ka qalin jabiyay Jaamcada Bariga Africa ee Buuhoodle , gaar ahaan Kulliyadaha kala ah Kulliyada Shareecada iyo Kulliyada Dhaqaalaha , Jaamacada Bariga Africa waxay mar walba diyaar u tahay inay bulshada gobolka Cayn ay ka kaaftoomaan dhibaatada ka haystay Jaamacad dibada loo doonto ‘ ayuu yidhi Dr C/Shaafi Axmed Cali.

Sidoo kale Jaamacadda Dr Sh Cabdishaafi Axmed Cali ayaa isna u mahad celiyey dhamaan ka soo qayb galayaasha xaflada , waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay ardaydii dhamaysatay Jaamacadda iyo waalidiintooda sidii ay ugu soo dul qaateen afartii sano ee Digree-ga Jaamacada Bariga Africa ee Buuhoodle .

Ugu Danbayntii , Gudoomiyaha Jaamcada Bariga Africa Sh. Dr Abdishafi Axmed Cali ayaa ka jawaabay Su;aal ay waydiiyeen maamulka Sare ee Jaamacada Bariga Africa afar Sano ka hor , Su’aashaa oo ahayd ,hadii Jaamacada wayn ee Bariga Africa ay Buuhoodle siiso Farac halkaa ka shaqeeya ma ilaalin doonaan magaca tayada badan ee (East Africa University) ?!!

Hoos ka Daawo Dufcadii ugu horeysay oo ka qalin jebisay Jaamacada Bariga Africa ee Buhoodle‏

Mawliid Isma Haradigeed
Buuhoodle, Gobolka Cayn .

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online