Dufcadii Ugu Horraysay oo Ka Qalin Jabisay Jaamacada Bariga Africa ee Buhoodle‏ (Daawo)

September 4, 2015 - Written by Editor

1Buuhoodle:-Dufcadii ugu horraysay ee ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Africa faraceeda magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa maalinimadii shalay ka qalin jabiyay. Munaasabad ay ka soo qayb galeen wufuud qiimo badan oo ka kal socotay magaalooyinka Boosaaso , Garoowe , Gaalkacyo , Laascaanood , Buuhoodle , Goldogob , Widhwidh iwm ayaa waxaa ka soo qayb golahi aasaasay Jaamacadan sanadkii 2011 , Sh C/Naasir Xaaji Axmed , iyo En Maxamed C/Laahi Xoosh .
Gudoomiyaha Guud ee Jaamacada Bariga Africa Proff Aadan Sh Doon Cali , Gudoomiyaha Boodhka ee Jaamacada Bariga Arfica Sh C/Waaxid Xaashi ahna gudoomiha Jamciyada Manhal ee Khayriga , Madax Tacliinta Sare iyo cilmi badhista Jaamacada Bariga Africa Dr Bashiir ,

Madaxa Kulliyada BBA ee maamulka iyo maarynat ee xarunta Boosaaso ,ee Jaamcad aBariga Africa Mr C/Naasir  Madaxa Dacada iyo Nidaamka ee Mu’assada Alminhaaj Sh Cismaan Maxamuud xaaji Diriri. Gudoomiyaha Shirkada TELESOM ee laascaanood C/Risaaq Axmed Warsame ( Dhabayaco ).
Gudoomiyaha Shirkada Golis farceed laascaanood Sh Aadam Cali nuur , Maamulaha Dugsiga saree e deegaanka Widh widh ee Xirsi Dhabarle. Mudane C/Raxmaan Suul Cayn .Sh C/Raxmaan Ciise oo mida culimad awawayn ee degmada Widh widh . Maamulaha dugsga ee magaalada Ceegaag Sh Maxamed C.Qani macalin Faarax . Dr Axmed Jaamac Mire Madaxx Kuliyad Shareecada Jaamcad Nugaal Garaadka Gud ee gobolka Cayn Garaad C/Risaaq Garaad Soofe Durran iyo wufuud kalo farabadan.

Gudoomiyaha golaha Deegaanka Buuhoodle C.Fataax Cali Cawil Khaatumo , Guud ahaan tirade ardayda qalin jabisay Jaamacada Bariga Africa ee Buuhoodle ayaa ahaa 30 arday o dhamaystay Degree gii 1 aad ee Jaamacad .

Ugu Horrayn Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Proff Sh C/Shaafi Axmed Cali ayaa ka hadlay :
‘Jaamacada Bariga Africa oo laga furay magaalada Buuhoodle sanadkii 2011-09-03 ayaa dedaal dheer ka dib waxay Jaamacadu so saaratay dufcadii ugu horraysay oo heer Degree ah , Jaamacadu waxay u taagan tahay kor u qaadida aqoonta iyo la dagaalanka aqoon darrada iyo qabyaalada .
Guud ahaan ardayda dhamaysatay sanadkan ayaa tiro ahaan ah 30 arday oo ka qalin jabiyay Jaamcada Bariga Africa ee Buuhoodle , gaar ahaan Kulliyadaha kala ah Kulliyada Shareecada iyo Kulliyada Dhaqaalaha , Jaamacada Bariga Africa waxay mar walba diyaar u tahay inay bulshada gobolka Cayn ay ka kaaftoomaan dhibaatada ka haystay jaamacad dibada loo doonto ‘ ayuu yidhi Dr.

Sidoo kale Jaamacadda Dr Sh Cabdishaafi Axmed Cali ayaa isna umahad celiyeydhamaan ka soo qayb galayaasha xaflada , waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay ardaydii dhamaysatay Jaamacada iyo walaidintooda sidii ay ugu soo dul qaateen afartii sano ee Dgeree ga Jaamacada Bariga Africa ee Buuhoodle .
Ugu Danbayntii , Gudoomiyaha Jaamcada Bariga Africa ayaa ka jawaabay Su;aal ay waydiiyeen maamulka Sare afar Sano ka hor , Su’aashaa ayaa ahayd :
Hadii Jaamacada wayn ee Bariga Africa ay Buuhoodle siiso Farac halkaa ka shaqeeya ma ilaalin doonaan magaca tayada badan ee (East Africa University) ?!!

Hoos ka Daawo Dufcadii ugu horraysay ee ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Africa faraceeda magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn

Mawliid Isma Haradigeed.
Buuhoodle G Cayn .

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online