Garoowe oo si weyn looga Ciiday iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb galay (Masawiro)

September 24, 2015 - Written by Editor

IMG_9987Garoowe:-Magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa waxaa saaka looga ciiday si weyn waxaana soo buuxdhaafiyey garoonka  Mire-awaare ee magaalada Garoowe Masuuliin ka tirsan Puntland iyo Dadweyne aad u tiro badan .

Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo ay weheliyeen xubno katirsan golayaasha dowladda Puntland iyo madaxweynihii hore ee Puntland Dr.C/raxmaan  Faroole ayaa la tukaday dadweyno tiro badan iyaga oo halkaas laga jeedshay baaqyo ku socda DFS iyo colaada ka dhex aloosan labada beelood ee oodwadaag ah ee isku leynaysa deegaano ka tirsan Howdka Sool.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Sheekh Siciid ayaa aad ugu dheeraaday in la joojiyo colaada ka dhex aloosan labada beelood ee walaalaha ah waxaya hoosta ka xariiqeen in dagaalkaas uu yahay mid fitno ah oo xaaraan ah iyaga oo ugu baaqay masuuliinta Puntland iyo Isimada in ay si degdeg ah wax uga qabtaan sidii loo joojin lahaa colaada

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa baaq u jeediyey labada beelood ee ku dagaalamaya  howdaka gobalka Sool wuxuuna sheegay in dowladiisa ay dadaal ku bixisay joojinta colaada isaga oo balan qaaday in ay u diri doonaan deegaanada ay ka socdaan colaada waxgarad iyo masuuliin ka tirsan dowlada Puntland .

no images were found

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa ku eedeeyey DFS iyo Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud in ay ku fashilmeen hogaanka umada Soomaaliyeed ka dib markii ay fulin waayeen dhamaan balanqaadyadii ay balan qaadeen.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online