Golaha Wasiirada DFS oo ku kulmay magaalada Muqdisho

September 3, 2015 - Written by Editor

gole_15Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xalaaddaha Amniga iyo hogaan cusub oo uu yeesho ciidanka Xooga dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo jeediyay magacaabid taliyaha ciidanka xoogga dalka waxaana dood dheer kadib, goluhu ay isla ogolaadeen magacaabista taliyaha Ciidanka Xooga dalka oo loo magacaabay Janaral Maxamed Aadan Axmad.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, soo jeediyay in loo dalacsiiyo Taliyaha cusub ee C.X.D. Mudane Maxamed Aadan Axmad darada Sareeye Gaas, maadama uu yahay shaqsitakhasus weyn u leh howlaha Ciidamada, ugana soobaxay kulliyado kala duwan oo dalka dibeddiisa ah.

Taliyaha cusub ee ciidanka C.X.D Janaral Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Muskow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isaga oo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60-naad Baydhabo, taliyaha qeybta 21-naad ee Dhuusamareeb.

Arrintan ayaa qeyb ka ah, dardargelinta, xoojinta iyo tayeynta ciidamada xooga dalka, iyadoo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiidna uu ku ammaanay hogaankii hore ee ciidanka inay heer wanaagsan soo gaarsiiyeen Taliska, loogana fadhiyo hogaankan cusub inuu halkaasi ka sii wado.

Dhanka kale, Hanti dhowraha Qaranka Mudane Dr. Nuur Faarax ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay howlaha Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka, taasoo ku saabsaneyn arrimaha Baarista, hubinta iyo illaalinta Hantida Qaranka, guurto iyo maguurtaba. Waxaana xafiiska Hanti dhowrku uu ka codsaday xukuumada inay ku garab siiso gudashada waajibaadkiisa shaqo, si loo dhowro Hantida Qaranka, looguna dhaqmo si waafaqsan sharciga.

——- Dhamaad —–

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online