Golaha Wasiirada DFS oo yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ugana hadlay Amniga

September 17, 2015 - Written by Editor

qaalibGaalkacyo:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga, shirkii maalgashiga Soomaaliya ee ka dhacay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta iyo dejinta sharciga naafada Qaranka.

Ugu horeyntii golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed kaasoo ku aadanaa horumarada amniga iyo howlgalada ka socda qeybo ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka, isaga oo tilmaamay in ciidanka Qaranku ay guulo ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Bay, halkaasoo laga saaray unugyo ka tirsan kooxaha nabad diidka ah oo ku sugnaa.

Wasiirka Isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim ayaa Golaha Wasiirada warbixin dheer ka siiyay shirkii Maalgashiga ee ka dhacay dalka isutaga Imaaraadka Carabta shirkaasoo lagu gorfeeyey fursadaha maalgashiga ee dalka Soomaaliya iyo dhinacyada ugu muhiimsan ee haatan laga taageeri karo, waxaana uu xusay in dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Isgaarsiinta iyo kheyraadka dabiiciga ah ay ahaayeen qodobada sida weyn looga dooday.

“Waxaan u sheegnay in Soomaaliya aysan u baahneyn oo kaliya kaalmo dhaqaale, balse ay u baahantahay maalgashi iyo in shaqo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed, si loo helo xasilooni dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid amni” ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta Mudane Guuleed oo ka hadlayay kulanka golaha Wasiirada.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday Siyaasada Naafada Qaranka iyo sidii loo heli lahaa sharci dhameystiran oo lagu dabaqo dadka naafada ah, si ay u helaan xaquuqdooda iyo daryeelkooda, waxaana sharcigan soo diyaariyay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, iyadoo golaha Wasiiradu ay xuseen in muhiimad gaar ah ay leedahay in la helo sharcigan, waxaana dood dheer kadib ay goluhu dib ugu dhigeen kulankooda dambe.

—-Dhamaad—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online