Guddoonka Baarlamaanka DFS oo Go’aan ka gaaray Mooshinkii Madaxweyne Xasan (Akhriso)
September 25, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Guddoonka Baarlamaanka DFS ayaa Maanta kasoo saaray Go’aan Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaana warmurtiyeed uu soo saaray Guddoonka Baar lamaanka DFS lagu sheegay in la isla qaatay in wadahadal lagu dhameeyo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha DFS.
Sidoo kale ayaa waxaa lagu xusay Warmurtiyeedka ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka DFS in la soo afgaray lana laalay mooshinkii ay qaar ka mid ah xildhibaanada DFS ka soo gudbiyeen madaxweyne Xasan 12-kii August, 2015-ka.
Hoos ka Akhriso Go’aanka kasoo baxay Guddoonka Barlamaanka DFS ee lagu soo afgaray Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha DFS. no images were found
A/Cawale
Halgan.net