Gudoomiyaha Degmada Qardho oo uu ku guuleystay Cabdi Siciid Cismaan (Masawiro)

September 23, 2015 - Written by Editor

9Qardho:-Duqa degmada Qardho ayaa waxaa saaka loo doortay Cabdi Siciid Cismaan waxaana la tartamayey Faarax Cabdullaahi tartanka ayaa ahaa mid xiiso leh ooo ay dadweynaha gobalka Karkaar ay wada dhowrayeen.

Cabdi Siciid Cismaan ayaa waxaa uu helay 20 cod halka Faarax Cabdullaahi uu helay 9 cod Nabadoono ,Cuqaal ,Masuuliin ka tirsan dowlada Puntland ayaa goobjoog ka ahaa doorashada Gudoomiyaha degmada Qardho .

Doorashada Gudoomiyaha degmada Qardho ayaa waxaa u codeynayey ilaa 29 xildhibaan oo shalay loo dhaariyay golaha deegaanka degmada Qardho.

Cod bixinta ayaa waxaa ay ahayd mid qarsoodi ah waxaana ay ka dhacday hoolka Beeyada ee degmada Qardho.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada Qardho ayaa sidoo kale waxaa u tartamayay labada musharax ee kala ah Eng. C/.risaaq Cumar Faarax iyo Maxamuud Ismaaciil waxaana ku guuleystay Eng. C/.risaaq Cumar Faarax oo helay 18 cod halka Maxamuud Ismail uu helay 11 cod.

no images were found

Dhamaan Musharixiinta laga guulaystay ayaa hambalyo u diray dhigooda ay la tartamayeen iyaga oo balan qaaday in ay garab iyo gaashaan u noqon doonaan maamulka Cusub

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online