Gudoomiyaha Degmada Qardho “Waan Sagootinayaa Bulshada mana tartami doono.[Masawiro]

September 8, 2015 - Written by Editor

DSC03607Qardho:-Kulan Balaaran oo ka dhacay Hotel Gufure ee magaalada Qardho ayna kasoo qaybgaleen, Boqor Burhaan Boqor Muuse, isimo, Nabadoono, xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland, masuuliyiin horay xilal u soo qabtay, qaar kamid ah musharixiinta u tartamaya xilka Duqa Degmada Qardho, haween iyo waxgarad kale ayaa ujeedkiisu ahaa sagootin iyo mahadnaq iyo is cafin.

Duqa Degmada Qardho oo ugu horayn munaasabada ka hadlay ayaa dhamaan kasoo qaybgalayaasha uga mahadceliyay kasoo qaybgalkooda wuxuuna sheegay inuu maanta isugu yeeray waxgaradka gobolka iyo degmada gaarsiinta fariinta ah inuusan ahayn musharax u taagan xilka gudoomiye ee degmada Qardho sidoo kalena uu ka tanaasulay xubinta Xildhibaanimo ee golaha deegaanka oo horay loo siiyay.

Duqa oo khudbad dheer goobta ka jeediyay ayaa sheegay mudadi 5 sano ahayd ee uu xilka hayay inay qardho ka fuliyeen mashaariic kala duwan oo kor u dhaafaya 100 mashruuc kuwaas oo isugu jira wadooyin laamiyo ah, Suuqyo, iskuulo la dhisay iyo kuwo dayactir iyo balaarin lagu sameeyay, Goobo Caafimaad, Mashaariic amaanka lagu horumarinayo sida layrarka,
Ceel Biyoodyo cusb iyo Ceelal ladayactiray, Garoonka Diyaaradaha iyo Dhismaha Garoonka Kubada Cagta, mashaariic lagu horumarinayo deegaanka sidoo kalena looga hortagayo waxyeelaynta deegaanka sida inuu wax ka qabtay xermooyinka iyo dhuxsha lagubo Hogaamo ayaa ugu dambayn sheegay dhamaan mashaariicdaas inay ka fuliyeen degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Boqor Burhaan Boqor muuse oo goobta ka hadlay ayaa xusay in Maxamed siciid Ciise hogaamo uu mudanyahay mahadcelin iyo amaan wuxuuna dardaaran u jeediyay xildhibaanada golaha deegaanaka ee imaan doona inay soo doortaan gudoomiye iyo kuxigeen waxqbad leh kuwaas dhamaystiri kara horayna u wadi kara horumarka ka socda magaalada boqorka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxaa jira cabashooyin badan oo ay qabaan beelaha qaar kuwaasoo la xiriira golaha deegaanka sidaa daraadeed waxaa loo baahanyahay in laxaliyo cabashooyinkaas, maamul iyo dhisme dowladeed iyo maamul cusub aan la isku howlin ilaa la xaliyo cabashooyinka waxaana ka codsanayaa in la xaliyo khilaafaadka jira sidoo kalena la isu tanaasulo.

Tanaasulka uu ka tanaasulay duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaamo musharax nimada xilka gudoomiye ee golaha deegaanka degmada Qardho iyo xubinimada golaha ayaa imaanaysa ayadoo bulshada magaalada Qardho mudooyinkan ay hadal hayeen musharaxnimadiisa asagoona arintaa ka hor cadeeyay bulshada horteeda inuusan tartami doonin, Hogaamo ayaana xilka gudoomiye ee degmada Qardho hayndoona inta uu madaxweynaha Puntland uu kala dirayo xildhibaanada waqtigooda uu dhamaaday lagana soo dhisayo golo deegaan oo cusub.

no images were found

Daauud Maxamed 
Halgan.net, Qardho

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online