Jaamacada Caalamiga oo laga furay magaalada B/xaawo ee xarunta gobalka Gedo (Masawiro)

September 26, 2015 - Written by Editor

j.1Gedo:-Waxaa maalintii jimcada bishana ay ahayd 11/09/2015 lagu qabtay xaflad si wayn loo soo agaasimay magaalada Baled xaawo ee gobolka Gedo, xafladaa oo ahayd furitaanka jaamacada caalamiga gedo ayaa waxaa ka soo qayb galay waxgaradka gobolka oo aan u kala harin sida siyaasiyiinta, culimada, odayaasha dhaqanka, dumarka, aqoonyahanada, dhalinyarada.

Xafladaa oo ay soo agaasimeen maamulka mu,asasada al-raxmah oo ah mida hirgelisay jaamacada ayaa waxaa goobta ka hadlay oo ka soo jeediyay maraaxishii ay soo martay jaamcada in la aasaaso sheekh axmed xuseen daahir oo tilmaamay in ay nasiib u tahay juhdi dheer ka dib in maanta lagu guulaystay furitaankii jaamacada lawada sugaayay ee ah jaamacada caalamiga ah ee gedo.
Waxaa kaloo goobta ka hadlay odayaasha iyo siyaasiyiin iyo culimo dhamaana waxay sheegeen in ay garab taagan yihiin jaamacada cusub ayna ku faraxsanyihiin in deegaanka uu jaamacad yeeshay ka dib markii mudo dugsiyo sare kaliya ay ahaayeen waxbarashada gobolka ugu sareeso.
Mu,aasada al- raxmah oo ah hay,ad samafal iyo waxbarasho oo ka mas,uul ah jaamacada ayaa waxay ka codsatay dhamaan dadka soomaalida dal iyo dibadba gaar ahaan dadka u dhashay deegaamada gobolka in ay taaba-gelinta jaamacada in ay ka qay-qaataan waxayna xuseen in ay irdaha u furantahay aqoonyahanka iyo maalqabeenka sidii ay qaybtooda u qaadan lahaayeen ee jaamacada.

no images were found

Jaamacada caalamiga ah ee Gedo oo ah jaamacadii ugu horaysay ee gobolka laga furo ayaa waxaa laga rajaynayaa in ardayda faraha badan ee dugsiyada sare ka soo baxay ee gobolka iyo gobolada derislka la ah in ay ka faaiidayn doonaan, ayadoo jaamacada isla sanadkanba insha allah ay ku bilaabi doonto dhoor kuliyood.
MU,ASASADA AL-RAXMAH,
BALADXAAWO

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online