Kulan ay isugu yimaadeen Ardayda Machadka Al-faaruuq Gaalkacyo oo soo gaba gaboobay[Masawiro]

September 27, 2015 - Written by Editor
Multaqaha 1aad (2)Gaalkacyo:-Kulankaani oo ahaa Kulan waynihii 1aad ee ay isugu yimaadaan Arday dhigata iyo kuwa ka baxay Machadka Al-faaruuq Gaalkacyo ayaa waxaa uu socday muddo laba maalmood ah 12 ilaa13-Dulxija-1436 oo waa faqsanayd 26 ilaa27-September-2015 ayaa waxaa soo qaban qaabisay Munadamada Beder ee Ardayda ka baxday Machadka Al-faaruuq waxaana kasoo qayb galay:

1-Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika(JBA) Gaalkacyo Dr.Aadam Maxamed Cigaal.

 2-Ustaad Saciid Maxamed Xasan Maamulaha Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo.

3-Sh.Maxamed Axmed Cali (Madani).

 4-Sh.Maxamuud Macalin Yuusuf.

5-Sh.Maxamed Saciid Muuse Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj ee Gobolka Mudug.

6-Ustaad Badal Maxamuud Sugulle Hormuudka Kuliyada Shareecada ee JBA Gaalkacyo.

7-Xubnaha Munadamada Beder ee Ardayda kabaxday Machadka Al-faaruuq Gaalkacyo.

8-Xubnaha Raabida Al-Birri ee Ardayda Kabaxday Machadka Bukhaar Galdogob

9-Raabidada Ardayda kabaxday Machadka Imaamul Muzani Koonfurta Gaalkacyo.

10-Ardayda Dhigata Machadka Al-faaruuq Gaalkacyo.

Kulankaan ayaa waxaa Ujeedooyinka loo qabtay waxaa ka mid ahaa:-

1.Isbarashada Ardayda Dhigata Machadka iyo kuwa kabaxay Macaahida Gobolka.

2.Xalinta Mushkiladaha Dhalinyarada Soomaaliyeed.

3.Helitaan Jiil Naftooda iyo Umadoodaba u wanaagsan.

4.In kalsooni lagu abuuro Ardayga.

5.In Dhalinyaradu ay Qaadaan Masuuliyada Dacwada iyo Dhawrka kaga aadan.

6.in la baro Ardayga waaqica eek u nool yahay ee Dacwada.

Intii uu socday Kulanku waxaa Ardaydu ay qaateen Afar Cashar , waxaana wehliyay Niqaash iyo in Afkaarta ku aadan Mawduucaasi lasoo bandhigo waxaana ay kala ahaayeen:

1.Khatarta Hayaanka Dhalinyarada (Sababaha iyo Xalka).

2.Radinta Bidcada iyo Khuraafaatka(Bidcooyinka Bulshada ku faafsan iyo qaabka loo baa bi in karo.

3.Ku dhaganaashaha Diinta iyo waxyaabaha Qofka ugu kaalmayn kara.

4.Masuuliyada Dhalinyarada ka saaran Bulshada gaar ahaan Dacwada.

Gaba gabadii Kulanka waxaa lagasoo jeediyay Bayaan iyo Dardaaranada Kulan weynaha oo gaarayay ilaa 13 Qodob, waxaa kale oo ka hadlay Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta Qaybta Gobolka Mudug Maxamed Siciid Muuse oo Ardayda kula dardaarmay Dhaqan galinta Cilmiga ay barteen.

 Waxaa kale oo Gaba gabada Kulan weynaha ka hadlay Gudoomiyaha Ardayda Machadka Al-faaruuq C/laahi Sahal Maxamuud oo soo bandhigay Qorshohooda ku aadan Xanbaaridda iyo Faafinta Diinta iyo waliba kor uqaadidda Wacyiga Bulshada.
 Si kastaba ha ahaatee Kulankaani ayaa waxaa uu ahaa mid ay aad usoo dhaweeyeen Qaybihii kasoo qayb galay waxaana uu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay Qabato Munadamada Beder ee Ardayda ka baxday Machadka Al-faaruuq.

no images were found


Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi.
Gaalkacyo,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online