Kullan balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen wax gardka Cape town (Masawiro)

September 21, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho:-Kulan ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Cape town iyo hareeraheeda, ayaa manta lagu qabtay markazka Assunna ee raacsan golaha Albayaan. Waxaa laga soo jeediyay kulankaas duruus ku saabsan Isbadalka wanaagsan ee laga rabo qofka iyo umadda Muslimka ah. duruustaa waxaa soo bandhigay sh. Cabdullahi cabdi Ibraahim iyo SH. Bahjudiin Axmed Xuseen.

Waxaa sidoo kale xoogga la saaray, wax curinta iyo hal abuurku in uu yahay waxa u horseeda umadaha horumarka.waxaa sidoo kale la is dhaafsaday dodo iyo fikradu xidhiidh la le caqabadaha haysta jaalidda ku dhaqan dalkan. Ka sokow duruusta meesha ka baxday, waxaa lagu soo bandhigay wax qabadki gudiga dacwada Albayaan ee 2badisano ee tagay iyo waliba xisaab celin ku saabsanayd miisaaniyaddi ay bixiyeen dadka taageera Dacwada. Sh. Maxamuud Maxamed Adar ayaa u soo bandhigay dadwaynihii goobta joogay warbixinti wax qabadka golaha iyo sidii ay u baxday  lacgti dacwada lagu taageeray mudadaas oo faahfaahsan.
Dadwaynaha ayaa laga dareemayay wajiyadooda farxad marki ay dhagaysteen qaabka loo sharxay xisaab celinta. Sidoo kale furitaanka shirka waxaa hadal dhiiri galin ah oo dhinacyo badan taabanaya soo jeediyay ISSA SHahid oo ahaa gudoomiyaha Barlamanka gobolkan, haddana ah xubin ka tirsan Baarlamaanka guud ee dalka South Africa.

Ugu danbayn dad waynihi shirka joogay ayaa loo qaybiyay waaraqo ku aadan qiimaynta shirka iyo tala bixin iyagoo waliba laga dalbaday in ay muu jiyaan dhaliilaha uga muuqda shaqada albayaan ay waddo oo loo baahnaan lahaa in ay iska saxaan. waxaa sidoo kale goobta lagu martiqaaday bangiga islaamiga ah ee Albaraka oo meesha ka sharxay habka ay uga faa,iidaysankaraan gancasatada Somalidu fusadaha ganacsi iyo maal gashi ee uu hayo bangigaasu ee waa faqshan shareecadda islaamka.

no images were found

Ugu danbayn waxaa goobta lagu soo ban dhigay Gabay uu curiyay Maxamuud Adar oo taabtay dhinacyada qalooca ku dhaca siyaadda, diinka, ganacsiga iyo ahmiyadda midnimada iyo isku tashiga.

Cape town.
Al-Bayaan

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online