Machadka Daraasaadka islaamiga Al-Imaam Al- Nawawi oo laga furayo Leicester

September 11, 2015 - Written by Editor

ogeysiisLeicester:-Dhammaan dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool magaalada Leicester iyo agagaarkeedaba waxaa loogu bishaareynayaa in la furi donno Machad islaami ah oo loogu magac daray Al-Imaam Al-Nawawi kaas oo lagu baran doono duruus kala duwan oo culuumta islaamiga ah. Machadka duruusta lagu baranayo waxa ay kala yihiin Qur’aanka, Axaadiista, Siirada Nabiga, Tarbiyada iyo luqada carabiga heerar kala duwan. Machadka waxaa macalimiin ka noqonaya macalimiin heer jaamacadeed ah oo kasoo baxay Jaamacada islaamiga ah ee Madiina Al-Munawara { Qualified Tutors}.

Haddaba maxaa kuu diiday in aad nagala soo qeybgasho xafladda lagu diiwaan galinayo ardeyda cusub { Open day} oo ka dhici doonta cinwaanka soo socda.

Day/Date Saturday 12/09/2015

Venue: – Quba Mosque – St Matthews

Time: – 14:30 – 16;30

Maalintaas waxaad fursad u heli doontaa inaad ogaato mustawahaaga iyo waliba wixii kaloo aad dooneyso inaad ka ogaato arimaha Machadkan. Fasaladu waxey noqon doonaan tiro yar oo kooban ee yaan lagaa hor buuxin.

Waxaa kaloo maalintaas jiri doonta cabitaano iyo cunto fudud.

Wixii faahfaahin ah lasoo xiriir

Shiikh Cabdulqaadir Siciid Muuse – Mob 07413928182 ama 07470050391

Shiikh Cabdirisaaq Ceynab – Mob 07417449612

Ballanteenu waa maalinta sabtida 12ka bisha Septembar iyo Open day

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online