Madaxwaynaha dowladda Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo.[Masawiro]

September 24, 2015 - Written by Editor

23Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug,kadib safar shaqo oo maalmo qaatay oo uu ku tagay magaalada Muqdisho ee Xarunta Gobalka Banaadir.

Madaweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa ka hor inta aysan ka soo ambabixin magaalada Muqdisho waxaa kullan quraaceed soo dhaweyn ah la qaatay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

Intaas kadib ayaa Madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo si nabad ah uga soo ambabexeen magaalada Muqdisho ,waxaana sii sagootiyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Raysal-wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug , waxaa madaxweynaha iyo wefdigiisa si weyn ugu soo dhaweeyey Wasiiro,xildhibaano, maamulka Gobalka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo, waxgarad, dhalinyaro iyo masuuliyiin kale.

‘’Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan ku soo laabano magaalada Gaalkacyo , waxaana ku maqneyn safar dhowr beri qaatay oo aanu ku tagnay muqdisho, oo aanu u aadnay shirkii wada tashiga ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland shirkaasi uga qeyb-gashay si maqaamsare ah, islamarkaana ay gudbi satay Aragtideeda ku aadan Wada-tashiga doorashooshinka la rabo in Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2016-ka.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweynuhu markale baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaada ee ka socota deegaanada Qorilay , Magaclay iyo dhulka Howka ah u diray beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya, waxaana uu u jeediyey inay joojiyaan colaada.

no images were found

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online