Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Raiisul wasaare Sharmaarke oo ku dhawaaqay Shirweyne looga hadlayo aayaha siyaasadda Soomaaliya

September 13, 2015 - Written by Editor

shirKismaayo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13-9-2015 magaalada kismaayo kaga qayb galay quraac sharafeed ah oo uu Madax wey naha Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan u sameeyey Madaxdii kala soo qayb gashay munaasibadiisii caleemo saarka.

Munaasibadda ayaa ahayd mahadcelin uu madaxweynaha Jubba-land uga mahad celinayo Madaxdii sida meeqaamka saraysa ugalasoo qayb galay xafladdiisii caleema saarka madaxtinimada Jubba-land ee afarta sanno ee soo socota.

Intaasi kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa kulan ay ku yeesheen aqalka madaxtooyada Jubb-Land waxay ku go’aamiyeen in 20ka bishan September la qabto shir weyne looga tashanayo aayaha siyaasadda Soomaaliya iyo hannaanka doorashada dalka ee 2016.

Waxyaabaha diiradda lagu saaridoono shirkan lagu dhawaaqay waxaa kamid noqon doona arrimaha Dhammaystirka nidaam ka federaalka ah ee dalka, qaabka ay noqon doonto doorshada dalka ka dhici doonta sannadda 2016 iyo Arrimo kale oo la xidhiidha aayaha siyaasadeed ee dalka.

DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online