Madaxweynaha Dawladda Puntland oo maanta ka qayb galay Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubba-Land.[Masawiro]

September 12, 2015 - Written by Editor

IMG_1956Kismaayo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12-9-2015 magaalada Kismaayo ee xarunta Dawlad Gobolleedka Jubbaland kaga qeyb-galay xaflad balaaran oo lagu caleema saarayay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland ee afarta sanno ee soo socota.Xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud , Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali iyo Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ahe Soomaaliya, Wakiillo ka kala socdey dalalka Soomaaliya Deriska la ah sida Kenya, Ethiopia iyo DJabuuti, Urur Goboleedka Igad, Isimo, wasiiro iyo xildhibaan katirsan Puntland , iyo Masuuliyiinkale oo ka kala socdey qaramada midoobey iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha , waxaana uu u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Dawlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan Waxaana uu ilaahay uga baryey inuu ku guuleeyo hawlaha adage e horyaal maadaama uu hoggaan u yahay Dawlad curdin ah, waxaana u kula dardaarmay inuu u caddaalad sameeyo shacabka uu hoggaanka u qabtay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale kasheekeyey khayraadka Dabiiciga ah ee ilaahay kumannaystay Jubbaland waxaanu carrabaabay inay tahay meel soomaali oodhan kaafiyi karta oo ay wax walba oo kale uga kaaftoomi karaan haddii laga faa’iideysto khayraadka dabiiciga ah ee ilaahay hibada usiiyey Deegaanka Jubba-Land.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu tilmaamay Muhiimadda Nidaamka federaalka ahe Soomaaliya haddii sida wanaag san looga faa’iidaysto sidookalena Madaxweyne Dr C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa uu sheegay Dawladda Puntland inay Hiil iyo hooba lagarab taagantahay Dawlad Goboleedka Jubba-Land iyo Maamulada kale ee dalka ee si Sharciga ah lagusoo dhiso.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online