Madaxweynaha Dawladda Puntland oo maanta u ambabaxay Muqisho (Masawiro)

September 19, 2015 - Written by Editor

DSC01286Garoowe:–Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 19-09-2015 u ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Weftiga uu hoggaamiyanayo Madaxweynuhu waxaa kamid ah Wasiirada Waxbarashada, Deegaanka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir kuxigeenada Maaliyada iyo Qorshaynta iyo Wasiirudawlaha Madaxtooyada iyo xidhiidhka Gobollada iyo Wasiirudawlaha Caafimaadka iyo Xubno katirsan Golaha Wakiillada ee Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warfidiyeenada u sheegay intaanu kadhoofin Garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf Airport ee Magaalada Gaalkacyo Inuu ujeedka socdaalkoodu yahay kaqayb galka Madasha Wadatashiga Soomaaliyeed oo muqdisho kafurmaya.

“waxaan u ambabaxaynaa magaalada xamar oo aanu kaga qayb geleyno shirka madasha wadatashiga soomaaliyeed, waxaan kaloo rabaa inaan sheego shirka kaqayb galkiisa micnihiisu maaha Puntland mowqifyadeedii ay aaminsanayd inay katanaasulayso dabcan soomaalaa isu imaanaysa waxa ay qabto Puntland-na Madasha ayay kajeedineysaa” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

“Dabcan waxaan shacabka Puntland u cuntamin shirka kasoo qaadi mayno qorshahayagu waxa weeyaan in mowqifka Puntland cadyahay Soomaalina u cadyahay beesha caalamkana u cadyahay” sidaasi waxaa yidhi madaxweyanaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

no images were found

Shirkan ayaa maalinta burrito ah kafurmidoona magaalada muqsisho waxaana kasoo qaybgeleya Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, Madaxweynaha Dawladda Federaalka , Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka , Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubba-Land iyo Hoggaamiyaha Maamulka kumeel-gaarka ahe Koonfur-Galbeed Soomaaliya waxaana uu socondoonaa oo muddo dhan hal maalin oo keliya.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online