Madaxweynaha DFS oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose
September 12, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa goor dhow gaaray magaaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hooe wafdi uu horkacaayay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo . Madaxweynaha DFS iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyey Madaxtooyada Magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin wufuud badan oo ka socda beesha caalamka .
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa iyana gaaray Magaalada Kismaayo. Dhamaan wufuuda gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta jubada Hoose ayaa ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Waxaa haatan toos u bilaawday Khudbada furitaan xaflada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka J/land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Cabdi Yare
Kismaayo