Madaxweynaha DFS oo gaarey New York, kana qeybgalaya Shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
September 27, 2015 - Written by EditorMadaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sh.Maxamuud, ayaa gaarey magaalada New York ee dalka Mareykanka, isagoo ka qeybgalaya Shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Shirka Golaha Guud ka sokow, waxaa Madaxweynaha uu ka qeybgeli doonaa kulamo kale oo gaar ah iyo kulamo ula qaadan doono madaxda caalamka.
Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
— DHAMMAAD –
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya