Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.[Masawiro]

September 19, 2015 - Written by Editor

IMG_7322Muqdisho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19-9-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho . Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa si weyn madaxweynaha iyo wefdigiisa ugu soo dhaweeyey Raysal-wasaare ku xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Haween, dhalinyaro iyo masuuliyiin kale.

Markii la soo dhaweeyey madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa loo galbiyey aqalka madaxtooyada , waxaana uu halkaasi uga qeyb-galay shir ay ka qeyb-galeen madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh iyo madaxweynayaasha maamulada dalka iyo madax ka socotay beesha caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa madasha shirka ka cadeeyey in Puntland mowqif keedu yahay in la helo Dawladnimo dhamaystiran oo u cuntamaysa shacabka Soomaaliyeed, si loo gaaro horumar iyo hiigsi cusub .

Madaxweyne Gaas iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa muqdisho u yimi sidii ay uga qeyb-geli lahaayeen Shirka wada-tashiga Soomaaliya oo ay ka qeyb-galayaan madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed Soomaaliya.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online