Madaxweynaha Puntland iyo J/land oo ka baxay Shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho

September 20, 2015 - Written by Editor

gaasMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa iskaga baxay Shirka wadatashiga ee maalintii labaad ka soconaya Magaalada Muqdisho .

Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya in Madaxada Puntland ay ka baxeen Hoolka uu ka soconayo Shirka ee Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya waxaana buuqa uu ka taagan yahay sharciyada Galmudug ,Koonfurgalbeed ,Dastuurka iyo qaabka loo soo dhisayo madaxweynaha 2016.

Ilo wareed ku dhow madaxtooyada Puntland oo ku sugan Shirka wada tashiga ayaa noo Xaqiijiyay in Puntland ay ka baxday Shirka wadatashiga ee maalintii labaad ka soconaya Magaalada Muqdisho .

Dhanka kale wararka ka imaanaya haatan Muqdisho ayaa sheegaya in Jubbaland ayaa iyana saaka ka baxday Shirka wadatashiga ee maalintii labaad ka soconaya Magaalada Muqdisho .

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta xalinta khilaafka soo kala dhexgalay maamulgobaleedyada iyo madaxda DFS.
Madaxweynaha Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sh Aden ayaa isana soo jeediyey in Dastuurka dib loo eego khilaafkana lagu xaliyo wada hadal .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online