Madaxweynaha Puntland lagu soo dhaweeyey deegaanada Riig-oomane iyo Buursaalax ee Gobalka Mudug

September 2, 2015 - Written by Editor

IMG_3253Buursaalax:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2-9-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanada Riig oomane iyo Buursaalax ee Gobalka Mudug.

Wefdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha oo isugu jira, Wasiiro , Xildhibaano, Waxgarad, maamulka Gobalka Mudug , Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa ugu horeyn waxaa si habsami leh loogu soo dhaweeyey deegaanka riig oomane .

Soo dhaweynta madaxweynaha ee deegaankaasi waxaa si hambsami leh uga qeyb-qaatay Waxgarad, arday, haween, dhalinyaro iyo masuuliyiin kale , kuwaasi oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta madaxweynaha.

Deegaanka Buursaalax ayaa boqolaal dadweyne oo isugu jira rag iyo dumar , maamulka degmada iyo waxgarad si maqaamsare leh ugu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo.

Dadweynaha oo safnaa wadada hareeraheeda ayaa madaxweyne Gaas waxaa uu socod dheer ku maray wadada ilaa uu ka gaaray hoyga laga dajiyey deegaanka Buursaalax ee Gobalka Mudug.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2015
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online